Todobaadkii aan soo dhaafnay dalka India buuq weyn iyo dood balaaran ayaa kajirtay taaso dhalisay ama keentay markii gobolka Kerala wabbi kuyaalo lagu dilay moraado uur leh si kalena looma diline miro sumeysan oo meesha kuyaalay ama lagu diyaariyay ayuu cunay maroodiga kadibna wuu dhintay maadama sunta jirkiisa oodhan deg deg u waxyeeleysay.

Hadaba Bollywoodka iyo dadka xuquuqda xaywaanadka u doodaan oodhan ayaa isla kaceen dood culus ayaana dhacday oo si kulul ayaa looga hadlay doodaasna inta badan waxay ka dhacday baraha bulshada gaar ahaan Twitter-ka.

Qaar kamid ah dadka hinduga ayaa qirteen inee xaqnimo tahay cibaadada muslimiinta iyo inee Alle kaliya caabudaan sido kalena ay ku saxsanyihiin arinkaas sababtana waxay dhaheen ayagoo sharaxayaan in iyaga hinduga ah illaahyadooda iska dilayaan halka muslimiinta Alle-hooda aan la arkeynin awoodna u laheyn inee dilaan.

“Anaga wax walbo oo aan caabudno misane Alle aan ka dhigano waan dilnaa halka muslimiinta Alle-hooda kaliya caabudaan cidna la wadaajinin si muuqata hadana lama arko mana dili karaan taasi ayaa cadeyneyso inee naga fiican yihiin cibaadadoodana xaq tahay .”

Waxyaabaha hinduga caabudaan Illaahna ka dhigtaan waxaa kamid ah Sanamka oo ay bur buriyaan qaarkood, geedaha ayaa kamid ah hadana wey jaraan qaar kamid ah iyaga, xaywaanaadka ayaa kamid ah sida maroodiga, Lo’da iyo kuwa kale hadana wey dilaan ama wey quutaan qaarkood waxaa kaloo kamid ah dumarka oo ay caabudaan hadana qaarkood ayaa kufsadaan ama kow kasiyaan ama jir-dilaan.

Waana sababta ay u leeyihiin”anaga wax walbo oo aan caabudno waan iska dilnaa muslimka ayaana naga fiican” waxaad moodaa oraahyadooda marka aad dhageysato in qaarkood dhacdadan maroodiga lagu sumeeyay ku towbad keeni doonaan maadama dulmigooda u muuqdo markaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here