Home » Nolosha Jilaayaasha » Hit-ka Ugu Weyn Amitabh Bachchan Filmadiisa Abid Waa Filmkaan Hindiya Ku Faanaan!!

Hit-ka Ugu Weyn Amitabh Bachchan Filmadiisa Abid Waa Filmkaan Hindiya Ku Faanaan!!

Dhalasho wacan Mega Star Amitabh Bachchan oo maanta u dabaal dagaayo sanad guuradiisa dhalasho waa odayga ay Bollywoodka ku aftirsadaan xidigaan kaaso maqaamkii ugu sareeyay fanka ka gaaray.

Amitabh maanta 76 jir waxuuna fanka kujiraa mudo 50 sano ah am anus qarni mudadaas waxuu ku noqday atooraha kowaad ee India isagoo ka maqaam weyn kuwii isaga ka horeyeen iyo kuwii ka dambeyaan iyo waliba kuwii uu la xifaaltamaayey waayihiisa fanka intabaa.

Amitabh aflaam badan ayuu sameeyay balse Hit-kiisa ugu weyn abid waa filmka Sholay balse akhriste kaliya Amitabh Bachchan Hit-kiisa ugu weyn Sholay ma ah ee dhamaan Bollywoodka ilaa waqtigaan Sholay ayaa ugu weyn Hit ahaan.

Sanadkii 1975 ayaa la daawaday mashruucan waxaana wada jileen Amitabh Bachchan, Dharmendra, Hema Malini, Jaya Bachchan, Sanjeev Kumar, Amjid Khan iyo kuwa kale oo badan waxuuna noqday Big Blockbuster-ka ugu weyn taariikh ahaan.

Lacaga mashruucan lagu sameeyay waxaa la sheega hadii sicirka maanta lagu jaan gooyo in 1000 Crore sare udhaafayaan waana sababta uu u yahay Hit-ka ugu weyn abid fanka hindiya waxaa midaas dheer in Sholay maqaam kale fanka hindiya ka joogo.

Libinta filmkaan waxaa helay oo aqoonsi caalami ah ku helay Amitabh Bachchan maadama uu dhamaadka filmka geeriyonayo saaxibtinimo daraaded waana markii Big Bi jaceylka waalida loo qaaday waxaa la sheegay sheekada filmkaan ee saaxiibtinimada ka hadleyso in buugaag lagu qoray.

Fasalada dugsiga dhexe ee dalka India buugaagta qaarkod waxaa lagu bartaa sheekada filmka Sholay si loogu dhiiro galiyo ardayda inee saaxiibo sidaas oo kale ah noqdaan daacadna isku ah sidaa aawged Hit-ka ugu weyn hindiya iyo Amitabh Bachcchan-ba waa filmka Sholay..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *