Hogaamiyaasha Race 3: Salman, Anil, Bobby iyo Jacqueline guusha Race 3 maxay ka badashay tirsigooda guulaha aflaantooda

Race 3 si rasmi ah waxay shabakada Boxoffice India ugu dhawaaqday inuu yahay filim guuleestay oo AVERAGE ah inkastoo laga filaayay ugu yaraan Blockbuster inuu noqon doono hadana sheekadiisa aad u liidatay awgeed inuu guuleesto ayaaba lala yaabay.

Haddaba Race 3 wuxuu noqday filimka 38-aad ee Mega Star Salman Khan u guuleesto asigoo sameeyay 77-filim oo uu door dhameestiran ku leeyahay taasi oo ka dhigan in 49.35% filimadiisa guuleesteen.

Ruug cadaa Anil Kapoor Race 3 wuxuu u noqday filimkiisa 35-aad ee u guuleesto asigoo sameeyay 101-filim oo uu door dhameestiran ku leeyahay taasi oo ka dhigan in 34.65% filimadiisa guuleesteen.

Bobby Deol isaga wuu ka duwan yahay Salman iyo Anil waayo Race 3 waa filimkiisa u guuleesto mudo 5-sano kadib waana guul uu siweyn ugu baahnaa xita Average inuu filimkan noqday isaga wax weyn ayay u tahay.

Race 3 waa filimka 10-aad ee Bobby Deol u guuleesto asigoo xidigaan sameeyay  38-filim oo uu door dhameestiran ku leeyahay taasi oo ka dhigan in 26.31% filimadiisa guuleesteen.

Jacqueline Fernandez waxay ka mid tahay atirishooyinka xiligaan Bollywood-ka ugu mashquulka badan waxaana xusid mudan in Race 3 uu yahay filimkeeda 8-aad ee u guuleesto ayadoo sameesay 15-filim oo ay door dhameestiran ku leedahay taasi oo ka dhigan in 53.33% filimadeeda xidigtaan guuleestaan.

Daisy Shah kaliya 4-filim ayay atirishadan sameesay ayadoo sanadii 2014 Salman Khan kusoo caan bixiyay filimkii Jai Ho waxaana xusid mudan in Race 3 uu u yahay filimkeeda 3-aad oo guuleesto taasi oo ka dhigan in 60% filimadeeda guuleesteen.

Saqib Saleem isagana 8-filim ayuu sameeyay mudada 7-sano uu Bollywood-ka ka tirsan waxaana xusid mudan in Race 3 uu yahay filimkiisa 2-aad ee u guuleesto taaso oo ka dhigan in 25% filimadiisa guuleesteen.