Inaba caadi ma ahan Director Rohit Shetty ayaa maanta hadal heynta fanka Hindiya oo idil la wadaagay kadib markii aragti ama kaarto lala cajabay uu kasoo bandhigay filimkiisa weyn Sooryavanshi oo haatan duubistiisa jadwalka ugu dambeeyo magaalada Hyderabad ka socoto.

Director Rohit Shetty horey wuxuu nooga yaabsaday in filimkiisii Simmba ee Ranveer Singh hogaamiye ka ahaa dhamaadkii mashruucan muuqaal kala kacsan laga siiyay Ajay Devgn iyo doorkiisa Singhan xiiso xad dhaafna mashruucan u yeeleen wuxuuna Simmba noqday Blockbuster weyn.

Haatan Rohit Shetty Akshay Kumar oo doorka Sooryavanshi filimkiisa Sooryavanshi ku matalaayo oo askari mayal adag ah waxaa uultimada dhamaadka filimkan garab siin doonaan Ajay Devgn doorkiisii Singham iyo Ranveer Singh doorkiisa Simmba waxay ka dhigan tahay sedex door boolis Classic ah halmar shaashada kasoo muuqan doonaan dhamaadka filimka Soorvayaanshi holac holac dhaafay ayuu noqon doonaa.

Filimka Sooryavanshi waxaa la daawan doonaa 27 Maarso 2020 waxaana soo saare ka ah Karan Johar halka Katrina Kaif atirisho kowaad ka tahay waxaana doorar xumaan ah ku matalayaan Gulshan Grover, Sikander Kher iyo jilaayaal kale. Waxaana cirki haatan cirka isku shareertay hadal heynta mashruucan oo dhamaadkiisa Hyderabad lagu duubayo goobtana ay isku baheesteen Akshay, Ajay iyo Ranveer.

Aksha Kumar wuxuu leeyahay “Booliiskii Hindida ee awood ahaan Avengers u dhigmeen aya is heleen maxaad sugeysiin haddii Singham (Ajay), Simmba (Ranveer) ay la midoobaan Sooryavanshi (Akshay) isku diyaayriya holacii ugu weynaa inuu shaashada ka kici doono!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here