Hooyada dhashay jilaaga caanka ee Brad Pitt taasoo lagu magacaabo Jane Etta Pitt ayaa lagu soo waramayaa in ay wado qorshe ay ku heshiisiineyso wiilkeeda iyo xaaskiisii hore ee Angelina Jolie.

Brad Pitt iyo Angelina Jolie ayaa nolosha isku firaaqeeyay sanadkii 2016dii waxaana furiinkooda kadib dhex maray dagaal culus oo la xiriira cid leh masuuliyada xanaanada caruurtooda ayadoo aakhirkii maxkamada ay u xukmisay in Angelina ay masuuliyadaas qaadeyso.

Tan iyo wixii markaas ka dambeeyay labadaan jilaa ayaa nolosha ku dhibtooday xili Angelina ay sheegtay in ciriiri dhinac kasta dareentay kadib kala tagoodii Brad halka Brad asigana uu dhibaato ku qabo lakulanka caruurtiisa iyo inuu waqti la qaato waxaana haatan waan waan iyo wadahadal ka dhex wado hooyada dhashay Brad Pitt oo dooneyso in wiilkeeda si nabad galyo ula noolaado caruurtiisa balse si ay arintaasi u suurto gasho waa in marka hore Angelina la heshiiyaa.

Lama oga sida hooyada Brad Pitt arinkaan ku suurto galin karto balse waxaa xusid mudan in Brad Pitt iyo Angelina Jolie ay mar soo noqdeen lamaanaha ugu shidan looguna jecelyahay daafaha caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here