Hordhaca Sheekada Dilaaga Ubaxa Guduudan iyo wax walba oo aad uga baahantahay (Sheeko aan horay loo arag)

0
704

Maxaa dhacayo markii aad dareento ciil xoogan, niyad jab, khiyaano, bahdil, iyo wax walba oo foolxun?

Sidee xaal noqon karaa hadii aad damacdo inaad ka aargoosato dadkii dhibkaas kuu geystay? Kana waran jabkaas cida aad kala kulantay hadii aysan aheyn hal qof oo kaliya balse ay yihiin dadka kuwa kuugu dhaw, saaxiibadaada, qofka aad jacleyd, laamaha amniga dalka, madaxweynaha dalkaaga iyo guud ahaan shacabka dalka?

Khiyaanadii weyneyd waa qiso cajiib ah dambi baaris ah kana hadleyso nolosha Sargaal dambi baare ah iyo Suxufiyad qoraa ah ah kuna takhasustay dhacdooyinka jariimooyinka.

Waa sheeko nooceeda aanan la helin misna dhif ah, caqligaaga iyo maankaagaba jaho kale u weecin doonto waxbadana aad la yaabi doonto habka loo dhigay, ciyaar maskaxeedka la isla dheelay iyo sida la isula jaanqaadayba.

Arinka kaliya ee aan hubno ayaa ah inaadan daqiiqadna ka mashquuli doonin sheekadaan caajisna ku dareemi doonin mudada ay socoto waayo ilbiriqsi kasta oo kamid ah waa mid cajiib ah misna ku xiiso galin doono.

Sheekada waxay ku saabsantahay gabadha Yaara iyo Daariq.

Yaara waxay aheyd gabar guul gaartay kadib markii ay kiisas badan oo booliska ku guuldareystay xalisay qof caan ah ayay noqoneysaa oo xitaa boqortooyada ka ag dhaw.

Mudada ay caanka tahay waxay is baranayaan Daariq oo dambi baare ah kadibna xiriir jaceyl ayaa dhex maraayo mudadaasna waxay ku guuleysanayaan kiisas badan iney si wadajir ah u xaliyaan ilaa ugu dambeyn iney is guursadaan ku heshiiyaan.

Balse wax walba waxay is badali doonaan kadib kiiskii ugu dambeeyay ee Daariq iyo Yaara kawada howlgalaan arintaasoo soo dadajineyso in si weyn isugu khilaafaan heer xitaa ay nolosha isku faarujiyaan.

Kiiskaas wey isaga baxaysaa Yaara maadaama habka howsha loo waday gabi ahaanba khalad u aragtay taasoo ah khalad khalad kale ku sax sidaas owgeed Daariq ayaa kiiska sii wadaayo guulna ka gaarayo.

Yaara oo uu daariq jaceylka ku cidleeyay xiriirkana u jaray ayaa wixii markaa ka dambeyso xidigteedii hoos u dhaceysaa meel walba fashil ayaa kasoo wajahaayo ilaa ugu danbeyn ay kusoo aruurto xafiis aanan shaqeynin.

Waxay dareemeysaa sida daariq u khiyaanay una xumeeyay sida booliska ula dhaqmeen sida boqortooyada u bahdishay sida shacabka u gooyeen ugu dambeyn nolol cidlo iyo kelinimo ayay mudo sanado ah kunoolaan doontaa halka daariqna uu gabar kale iska guursan doono noloshiisana ku raaxeysan doono.

Sheeko waxay ka bilaabaneysaa markii ay Yaara go’aansato iney boorka iska jafto aarsina bilowdo ayadoo markaan dooneyso iney si wadajir ah cashar ugu dhigto booliska, Daariq shacabka iyo xitaa boqortooyada.

Hadaba su’aasha waxay tahay oo sheekada loo daawan doonaa Yaara kaarto noocee ayay dagi doontaa?
Awood ma u yeelan kartaa umad xajmigeeda intaas la egyahay iney cashar u dhigto?

Daariq sidee ula macaamili doontaa?

Muxuu fali doonaa daariq markuu ogaado kaartada Yaara?

Daariq iyo Yaara keebaa ciyaarta ku guuleysan doono?

Maxaa dhici karo hadii qorshaha Yaara fashilmo?

Sidee ugu suurto gali kartaa umad dhan in halmar kawada aarsato?

Dhamaan su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan sheekada ayaad ka heli doontaan.

Kala soco shabakada Filimside maalin walba ayadoo joogto ah.

Wixii fikir, talo iyo tusaale ah fadlan qeybya Commentiga Pageka noogu reeb.

Mahadsanidiin.

Cabdiraxmaan xassan Anteeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here