Hordhaca Sheekada Jaasuusadii (Luulkii Mossadka) ee Shulamit Cohen.

0
581

SHULAMIT COHEN-KISHIK. (LU’LU’II MOSSADKA)

JASUUSADII UGU HALISTA BADNEYD ABID EE KA HOWL GASHO WADAMADA BARIGA DHEXE.

WAXAA QORAY; XAATIM KHUURI.

WAXAA TURJUMAY; CABDI RAXMAAN XASSAN ANTEENO.

Qisadaan waa qiso ku saabsan Jaasuusnimada, howlgalada sirta iyo Khiyaamooyinkii gabadha lagu magacaabo Shulamit Cohen ka geysatay dowladaha bariga dhexe.

Waa qisadii gabadhii yahuudiyada aheyd taasoo shirqoolo halis badan ka geysatay qaar kamid ah wadamada carbeed iyo dalalka bariga dhexeba, iyadoona adeegsaneyso kaarto kasta oo ay ku suurto galin kartay sida hubka lacagta iyo gabdhaha suurada qurxoon ee u adeega sirdoonka Yahuuda.

Qisadaan waxaynu usoo gudbineynaa si ay taariikh u noqoto, jiilka haatan jira iyo midka soo socdana u ogaadaan, waana qiso laga soo min guuriyay malafkii baaritaanka ee Shulamit Cohen.

HORDHACA.

Buugaan aad akhrisaneyso akhristaheena sharafta lahow waa mid kamid ah buugaga ugu muhiimsan ee ka hadlaya howlaha jaasuusnimada iyo wax basaasida iyo doorkii ay ka cayaartay wakaalada sirdoonka Yahuuda misna loo yaqaano Mossad, waxaana sheekada buugaan si toos looga soo qoray malafkii (feylkii ama kiiskii) baaritaan ay ciidamada Lubnaan ku sameeyeen Shulamit Cohen sanadkii 1961dii wuxuuna si toos ah uga warbixinayaa noloshii jaasuusadaas iyo shabakadii sirdoonka ee ay laheyd misna hogaamineysay.

Shabakada ay Shoola Koohiin laheyd shakhsiyaadkii uga howl gali jiray waxay ka koobnaayeen koox dhalasho ahaan kasoo jeedo wadanka Lubnaan, waxayna ahaayeen sirdoon u adeega Yahuuda misna damiirkoodii, qowmiyadoodii iyo sharaftoodiiba iibsaday ayagoona shilimaad yar siistay.

Aniga ka shakhsi ahaan (qoraaga buuga) waxaan si joogto ula socday misna goob joog u ahaa kiiskaan layaabka lahaa ee gabadhaan yahuudiyada ah waxaana waqtigaas u shaqeyn jiray Daar-Alsayaad anigoo sidoo kalana wax ku qori jiray wargeyska Al-Anwaar kaasoo si joogto maalinkasta usoo bixi jiray.

Waxay ii aheyd sharaf aad u weyn inaan qeyb ka noqdo sidoo kalana kaalin ka geysto in la ogaado misna gacanta lagu soo dhigo shabakadaan halista badneyd.

Waxaana shabakadaan lagu tiriyaa misna la aaminsanyahay iney tahay shabakadii ugu horeysay ee u adeegta danaha Yahuuda misna ka howl gasha dhulalka carbeed iyo Bariga Dhexe.

Lubnaan waxay aheyd wixii ka horeeyay sanadkii 1958dii ilaa 1959kii oo ah kahor inta uusan Janaraal Fu’aad Shahaab la wareegin xilka madaxtinimo ee dalkaas xaruun ay sirdoonka Yahuuda sidey doonaan isaga maamushaan, waxayna sirdoonkaan suurto galiyeen iney askareeyaan koox lubnaaniyiin iyo carab kalaba ah, waxaana qeyb ka ahaa dadkaas u adeegi jiray Yahuuda shakhsiyaad caan ahaa ayadoona Yahuuda ay dadkaas ku indho saabeen hanti lixaad leh iyo gabdho qurux badan waana kaarto ay yahuuda siweyn u yaqaanaan.

Hase yeeshee Janaraalkii wadaniga ahaa ee Fu’aad Shahaab kaasoo si indho la’aan ah u aaminsanaa qowmiyada Lubnaanta markuu madaxweyne ka noqday wadankaas wuxuu xooga saaray bilowgii xukunkiisa sidii uu dharbaaxooyin culus ula heli lahaa jawaasiista reer lubnaan kuwaasoo u adeega danaha Yahuuda misna magaalada Beyruut ka dhigay meel ay ka buuxaan kaadiriyiinta Yahuuda iyo shirqooladoodaba.

Wuxuu soo saaray nadaam uu ku amraayo saraakiishiisa kuwii ugu fir fircoonaa oo kala ahaa Saami Khadiib kaasoo markii dambe taliyaha ciidanka xooga dalka Lubnaan noqday asigoona uga sii dalacay wasiirka arimaha gudaha ee Lubnaan, iyo Andwaan Sacad oo madax u ahaa guutada labaad ee sirdoonka Lubnaan iyo Gabriyaal Laxduud iyo saraakiil kaloo badan misna wadaninimo iyo dal jaceyl ka buuxday suurto galns aheyn iney dalkooda cadowga ka beeciyaan, waxayna saraakiishaan u howl galeen sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen jaasuusiintaas dalkooda iibsaday.

Madaxweyne Fu’aad wuxuu dareemay halista Yahuuda ee caalamiga ah iyo damaca israa’iil ee dhul kororsiga ah waana halis ay ilaa maanta ku haayaan islaamka iyo muslimiinta sidaas owgeed wuxuu go’aansaday inuu dharbaaxada kala hormaro asigoona dharbaaxadii koowaad la helay Shabakadii Shulamit Cohen.

Buugaan wuxuu ka hadlayaa guushii weyneyd ay Lubnaan ka gaartay shabakadii ugu weyneyd ay Yahuuda ku lahaayeen wadanka Lubnaan waana shabakadii ay hogaanka u heysay naagtii yahuudiyada aheyd ee Shoola Koohiin.

Sheekadaan waa sheeko qariib ah misna dhif ah in nooceeda la helo waxayna daaha kaaga qaadi doontaa halista nadaamka sirdoonka yahuuda ee Mossadka ayadoo sidoo kalana tooshka kuugu ifin doonto howlagalada sida joogtada looga fuliyo qaar kamid ah dhulalka carbeed misna islaamka lagula dagaalamo sidoo kalana waxay sheekada buugaan kaaga warami doontaa damaca israa’iil ee dhul balaarsiga aasaaska u yahay.

Shabakada aan ka hadleyno waxay ka koobnaayeen koox lubnaaniyiin ah oo caawin jiray gabadha aan buugaan kaga hadleyno ee Shoola koohiin waana gabadhii ay Israa’iil ku tilmaantay misna u aheyd jaasuusada no1 ilaa heer ay ugu yeeraan Luul aan la heli karin, waxayna yahuuda u fulin jirtay howlagalada lamid ah kuwa aan maanta filimada sirdoonka ee Hollywoodka ku daawano, ayadoona warbixino sir ah gudbin jirtay, sidoo kalana waxay dadka u dhashay yahuuda si qarsoodi kasoo talaabsiin jirtay xuduuda ay Lubnaan la leeyihiin, waxay farsameyn jirtay baasaboorada bugta ah misna kuwa runta laga aqoonin ayadoo xitaa hanti badan si qarsoodi u tahriibin jirtay waana hanti gudaha wadanka Lubnaan laga bixinaayo dibadana loo gudbinaayo, gabadhaan waxay xaruumo ku laheyd misna shirar qarsoodi ku qaban jirtay meelo ay kamid yihiin Qubrus, Italy, Beyruut, Talabiib iyo meelo kaloo badan.

Sheekada gabadhaan waxay soo bilaabatay sanadkii 1948dii markii ay yahuuda qaab shirqool ah kula wareegtay dhulkii falastiin.

Hadaba intaan bilaabin ka hadlida shabakadii Lubnaan ka howl gali jirtay misna danaha Yahuuda u adeegi jirtay taasoona loo aqoonsanyahay ilaa maanta iney tahay shabakadii ugu weyneyd ay Yahuuda ku dhex sameystaan dhul carbeed, sidoo kalana daah ka feydiideeda ay gilgishay dowladii Yahuuda iyo sirdoonkooda Mossadkaba, waxaan laga maarmaan u aragnay inaan tooshka idiin kuugu ifino sheekada gabadhii madaxda ka aheyd shabakadaan ee Shulamit Cohen.

Gabadhaan caqliga iyo quruxdaba isku darsatay waxay daganeyd xaafada la yiraahdo Waadii Abuu Jamiil ayadoona qof caadi misna shacab iska aheyd ilaa ay markii damba noqoto xaakimkii xaafadaas amarkeeda kaliya ka shaqeeyo waxayna mudo kooban ku noqotay naag awood balaaran leh misna caasimad ka caasimad isaga kala goosha ayadoona sirdoonka Yahuuda ku quudineyso warbixno sir ah misna kala nooc ah.

Hase yeeshee sirdoonkii Lubnaan ee habeen iyo maalin usoo jeeday sidii wadankooda amni buuxa u noqon lahaa xuduudoodana u ilaashan lahaayeen waxay ugu dambeyn ogaadeen qaabkii ay usoo dhameyn lahaayeen filimkii Shoola Koohiin iyo kooxdeeda jilayaasha ka ahaayeen. Waxaana u suurto gashay sirdoonka lubnaan in hab caqli iyo xeelad ka buuxdo ay gacanta ugu soo dhigaan shabakdaas halista badneyd misna cashir weyn ugu dhigaan Mossadka yahuuda.

Malafkaan aad u jeedaan waa taariikh si rasmi ah u dhacday sidaas owgeed aan bal isla ogaano sida uu u howl galo cadowgeena yahuuda oo aan wax ka ogaano asaaliibtiisa foosha xun misna rakhiiska ah taasoo ay danahooda ugu adeegaan.

QORAAGA BUUGA; XAATIM KHUURI.

WAA TUMA SHULAMIT COHEN??

La soco qeybta koowaad ee sheekada.

Waxaa Turjumay; Cabdiraxmaan Xassan Anteeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here