Home » Kun Habeen iyo Habeen » Hordhaca sheekada Kun Habeen iyo Habeen oo aad Filimside Maalin walbo kala socon doontid

Hordhaca sheekada Kun Habeen iyo Habeen oo aad Filimside Maalin walbo kala socon doontid

Asc, aqristayaasha qiimaha badan ee Shabakada Filimside ku xiran magaceyga waa Cabdiraxmaan Xasan Anteeno waxaan qoray ama aan turjumay sheekada caanka ah Kun Habeen iyo Habeen (1001) oo aad hada kadib shabakada Filimside maalin walbo ka aqrisan doontaan.

Hadaba inta aan sheekada bilaabin macluumaad walbo oo ku saabsan Kun iyo Habeen iyo Habeen fadlan hoos kaga bogo:

WAA MAXAY SHEEKADA (1001):

Waa sheeko la isku khilaafay asal ahaan halka ay kasoo jeedo, dadka qaar waxay qabaan in ay kasoo jeedo boqortooyadii saasaan ee xukumi jirtay Hindiya iyo Sandi, halka dadka taariikhda wariya qaarkood kalana ay leeyihiin waxay ka dhacday Ciraaq, sidoo kale waxaa la sheegaa iney ka dhacday Masar xitaa Yahuuda waa lala xiriiriyay.

Laakiin arinka xaqiiqda u dhaw ayaa waxay tahay boqorka ay sheekada ku socoto ee Shahri-yaar inuu xukumi jiray meelo aasiyo kamida ah, sheekada waxaa ku jiro qisooyin badan oo aan caadi u naqaano sidii qisadii Calaa-udiin iyo Feynuustiisii yaaabka laheyd, waxaa kaloo kamid ah sheekadii Cali-baaba, iyo todobadii safar eee badmaaxii weynaa ee Sindibaad.

YAA QORAY SHEEKADA:

Ilaa iyo hada lama yaqaano qofkii asal ahaan sheekadaan qoray laakiin casrigii dahabiga ahaa khilaafadii cabaasiyiinta ayaa sheekadaan lasoo turjumay markii ugu horeysay, sidoo kale waxaa ingiriis loo tutrjumay sanadkii 1704tii.

IMISA LUUQAD AYAY SHEEKADAAN KU QORANTAHAY:

Majirto luuqad caalami ah oo aysan sheekadan ku qorneen waana sheekada loogu akhriska badanyahay aduunka waxayna ku turjumantahay luuqadaha sida: carabi ingiriis, Talyani, Faransiis, Giriiga, Spain, Portugal, Germany, Swedan, Denmark, Russian, Scotland, Poland, iyo Hungry xitaa Soomaali ayay ku qorantahay, sidoo kale waxaa laga sameeyay filimaan iyo musal-salaad caan ah.

MA RUNBAA SHEEKADA KUN HABEEN IYO HABEEN:

Waxaa xaqiiqo ah inuu jiray boqor Shahri-yaar iyo xaaskiisa Shaharzaad, laakiin waxaa la isku khilaafay in sheekooyinka meesha ku qoran oo ay ka sheekeyneyso Shaharzaad iney run yihiin iyo inkale.

Waxayse u badan tahay in qaarkood yihiin sheekooyin khiyaali ah oo hab aad u macaan si farshaxan lehna loo qoray sida sheekada Cali-baabaa oo aan dib ka qori doono iyo sheekadii Badmaaxii weynaa ee Sindibaad sidoo kale sheekadii xamaaligii iyo gabdhihii.

Waxaa kaloo kamid ah sheekadii boqor Yoonaan iyo ninkii xakiimka ahaa ee Rooyaan la dhihi jiray, waxaase ku jiro sheekooyin xaqiiqo ah sida sheekooyinkii ay ka warineyso boqorkii caadilka ahaa ee HAARUUN AL-RASHIID.

XAGEEN KASOO XIGTAY SHEEKADAAN:

Aniga sheekadaan waxaan kasoo xigtay wabsetka ( ar.m.wikisource.org ). iyadoo carabi ku qoran ayaad halkaas ka heleysaa.

WAQTI INTEE LA EG AYAY SOCONEYSAA:

Sheekada waa mid aad iyo aad u dheer waana mid ka mid ah sheekooyinka ugu dhaadheer ee aduunkaan la qoray gabadha sheekada warineysana ee Shaharzaad waxay ku qaadaneysaa kun habeen iyo habeen inkastoo buugaagta qaar lagu soo koobay ilaa iyo 200 oo habeen.

Sidaas darteed aniga xitaa ma aqaano mudada ay soconeyso, laakiin waxaan rajeynaa inaan gabi ahaanteedna iyadoo turjuman idin soo gudbiyo.

Waxa ugu muhiimsan ee aan idiin hubo ayaa waxay tahay inaadan marnaba sheekada ka caajiseynin, oo midba mida ka dambeyso kasii macaan tahay, daqiiqadna kama caajiseysid taas anigaa kuu hubo, mana laga xiiso dhacaayo.

WAQTIGEE IYO QAABKEE SHEEKADA USOO TABIN DOONAA:

Sheekada iyadoo qoraal ah ayaa maalinkasta Filimside lagu soo daabici doonaa insha Allah ayadoo tifaaf tiray sidoo kalena xalqo xalqo ah micna habeen kasto hal xalqo ama hal sheko ayaan idinla wadaageynaa.

XUQUUDA TURJUMADA:

Qofkasta ayaa fasax u heysto inuu sheekadaan sii gudbiyo laakiin waa inuu xusaa xuquuqda turjumada (xigasho) micnaha qofka turjumay fadlan xus marka aad adeegsaneysid.

GABO-GABADII:

Waxaan idinka rajeynayaa inaa igu dhiiri galin doontaan turjumista sheekadan xiisaha badan madaama aan jecleestay inaan afkeena hooyo ku qoro mid ka mid ah sheekooyinka dunida loogu jecel yahay.

Wada shaqeyn wacan.

Waa Bilaabatay Hoos ka akhriso Qeybaha ku dhaafay, waxaana soo daabacnaa habeen kasta 8:00 Fiidnimo xilliga Muqdisho

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 1-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 2-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 3-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 4-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 5-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 6-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 7-aad Fadlan RIIX HALKAAN

Hadii aadan aqrisanin Sheekada Qaybteedii 8-aad Fadlan RIIX HALKAAN

13 Responses to Hordhaca sheekada Kun Habeen iyo Habeen oo aad Filimside Maalin walbo kala socon doontid

  1. mohamed saed awil

    November 21, 2017 at 8:16 pm

    zxp anteeno waa wax fiican inaad filimside kusoo darto sheekooyinkan qiimaha leh inkastoon anigu kala socoday dhanka Facebooka lkn filimside ayaa kasii fiican musalsal ahaan baan ula soconaynaa ok
    go forward bro

  2. abdihaken manchesterawi

    November 21, 2017 at 9:01 pm

    Anteeno sheekada kow maa laga soo bilaabaya habeen dambe

    • Zakarie Abdi

      November 21, 2017 at 10:04 pm

      Haa habeen dambe kowaad ayaa laga bilaabaa madaama aqristayaal badan shabakada ku xiran soo dal badeen.

  3. djlee

    November 21, 2017 at 9:40 pm

    aadban ugu faraxsanahy inaad sheekadaan nala wadaagtid .runtii inbadan ayaan la’aa wax iitarjumo.waadna kumahdsantahy sxp
    wan lasocon doonnaa insha allah

  4. Anwar Cade

    November 22, 2017 at 7:46 am

    Mahadsanid Zxp In Badan Hore u soco Bro

  5. Lamaanka

    November 22, 2017 at 10:38 am

    asc bahda flimside iyo wllkeen anteeno waa markii iigu horeesay oo aan comment ka dhiibto mawduuc in kastoo aan marwalba ku xidhanahay shabakada flimside waxaa I igu dhaliyay maanta waa sheekadan 1001 oo aan raadin jiray Mar labaad waad mahadsan tihiin sakariye,aanteeno iyo dhamaan bahda flimside iyo akhristaayasha ku xeeran jazakalah khayran jazaa

  6. Mohamed Hassan

    November 22, 2017 at 3:42 pm

    waa sheeko runtii qaali oo aad u
    baadi goobey waanan idinka mahadnaqyaa

  7. liban ali

    November 22, 2017 at 7:45 pm

    asc waxan leyahay wan ku faraxsanahay sheekadan so dayn rabtan waxana leyahay ku socda wadadas bhda filimside

  8. Aragsan

    November 22, 2017 at 8:39 pm

    Mansha alla wllo aadban ugu farxasan ahay wllhi innan dhamaysto jasaa akalah wllky hore u soco ilaahyna wax kasta ood gacanta u qaadid hakuu fududeeyo

    • Anteeno

      November 22, 2017 at 9:45 pm

      aamiin wll

  9. Ahlaam

    November 28, 2017 at 12:54 am

    Wan ka helay shekadan runti wankaga mahad celinayaa waxan kasii jeclan laha in ayadoo book ah laso saaro

  10. Hodan Abdirisak issah

    November 30, 2017 at 7:28 pm

    Masha Allah waad mahadsantihiin bahda filimside sheekadan inbadan baan u xiisa qabay in afkeena lagu qoro

  11. Pingback: KUN HABEEN IYO HABEEN QEYBTII 9-aad: Caawo iyo Sheekada Xiisaha Ay Leedahay | Filimside.net