Hordhaca sheekada Race 3: Qayaano aan la sadaalin karin, bandhiga shaati siibashada Salman iyo Bobby

Filimka Race 3 caawo fiidkii ayaa laga daawan doonaa Emirate-ka Carabta halka berito subax gudaha Hindiya la saari doono balse dad gaar ah ayaa lagu casuumay daawashada filimkan oo ka dhacday aqalka weyn Galaxy Apartment Salman Khan Mumbai ka dagan yahay.

Haddaba qof ka mid ah daawadayaashii Race 3 lagu casuumay ayaa shabakada Bollywood Life uga waramay filimkan waxa dadka ku qasbi karo inay daawadaan iyo sida laga filaayay heer ahaan inuu gaarsiisan yahay.

Qayaanada Race 3 Maxaa Laga Yiri: Inaba caadi ma ahan filimkan qof walbo lama sadaalin karo waxa xiga ee uu sameenayo gaar ahaan kala barkiisa waxaa dhex taal u ah arin kaa nixin doonto oo aadan marnaba fileyn inay dhaceyso marka aad filimka daawaneysid.

Qoyskan Salman Khan hogaamiyaha u yahay mid walbo waxa uu sameenayo cid qiyaasi karto malahan waana waxa ugu weyn ee Director Remo ku amaanan yahay inuu Race 3 ka dhigay mid aan qayaano ahaan la liidanin inuu sareeyo ma ahanee labadii qeybood ee hore.

Uultimada filimkan waa mid kale oo aan indhaha laga qaadi karin sida uu ku dhamaanayo qayaano ahaan, dagaalka gacan hadalka iyo qoriga isugu jiro is bursiga waa filimka ugu dhamaadka wanaagsan casri ahaan Bollywood-ka sameeyaan!

Bandhiga Jilaayaasha: Salman Khan waa ruuxda Race 3 isaga ayaa ah hogaamiyaha qoyskan dhibka badan sidoo kalena dhib badan dhabarka u dhiganaayo.

Laakiin Bobby Deol ayaa sameeyay soo laabasho aan caadi ahayn in badana loo sacaba tumi doono waa laadar awood badan sidoo kalena qoyskan mar walbo ka xeelad badan.

Jacqueline Fernandez waxaa la siiyay door adag oo weliba udub dhexaad u ah sheekada Race 3 sidoo kalena qurux iyo xarakaad dheeri ah ayay la timid.

Daisy Shah iyo Saqib Saleem iyagana kama yareestaan kooxda Race 3 waxay heleen doorar cajiib badan oo ay ku xarakeeyeen saameyn adagna wey la imaadeen.

Anil Kapoor waa hagaha Race 3 sidoo kalena aan la fahmi karin u jeedkiisa laakiin sida guud waa odeyga qoyska cidii qalad ka gashana aan cafinin.

Gunaanad: Race 3 muuqaalka aadan hilmaami doonin marka aad daawatid waa marka ay shaatida wada siibanayaan Bobby Deol iyo Salman Khan waxaana ku jirto qayaano iyo ujeedo fahmi karo kaliya qofkii daawado.

Filimside Ahaan Naga Fisha Sheekada Race 3 Oo Dhameestiran, Bandhiga Jilaayaasha Iyo Fariinta Filimkaan Waxa Laga Dhaho Insha Allah….