Waxaan aragnay goos gooska laga soo bandhigay xalqada 30-aad ee taxanaha Hercai waana goos goos aad u xiiso badan maadama dhacdooyin horleh misane kugu xiiso galiyaan daawashada xalqada 30-aad lagu arkay.

Hadaba hordhaca xalqada 30-aad maxaa laga filan karaa inee dhacaan maxaase ugu waaweyn uguna xiiso badnaa wixii aan ku aragnay goos goos taxliil kusaabsan arimahan halkaan kaga bogo:

1-Marka kowaad Miiraan warqada uu helay shaki ayaa kujiro mida ay tahay balse waxay u badan tahay inee tahay warqadii Yaren qarisay ee ma ahan warqadii Zahra qarisay ileen labo warqad ayee kala yihiin mida Zahra heyso waxay cadeyneysaa in Miiraan aabihiis Hazar Sodolugu yahay.

Balse mida Yaren heysay waxaa kuqornaa kaliya fariin jaceyl oo Dilshaah usoo qortay Hazar maadama jaceyl ka dhaxeeyay labadooda goos gooska waxaan ku aragnay in Hazar warqad siinaayo Miiraan warqadaasna waxay u badantahay inee tahay tii Yareen qarisay ee fariinta jaceyl kaliya ku qorneed.

Inkastoo Hanifa marke warqada baadi goobeysay nala tusaayo ayadoo ka baareyso boombalihii Zahra warqada kuqarisay Zahra marke baxeysay warqade heysay waxay ku qarisay boombalaja gabadheeda Gul leedahay isla boombalahaas Hanifa baaritaan ayee ku sameyne marka miyee aragtay warqada meesha kujirta waa suaal shaki abuuri karta balse waxay u badantahau Warqada Miiraan la siiyay ine tahay tii Yaareen qarisay ee fariinta jaceyl kaliya ki qorned.

2-Harun qofka uu yahay oo rasmi ah xalqada 30-aad qofkii daawado wuu ogaan doonaa sida ay inoo ballan qaaday gabadha Hercai qarash gareyneyso balse goos gooska labo arimood ayaan ka fahanay cida uu Harun noqon doono midkood.

Mida kowaad inuu yahay Dilshaah wiilkeda labaad oo qarsoonaa hadana soo baxay si uu u aargoosto isaga ayaana ka dambeya in warqadaas ay gaarto Hazar iyo Miran oo Hanifa isaga warqada soo bixi dhahay ugu dambeyna Hazar ayee gaartay asna Miiraan ayuu sii gaarsiiyay.

Mida labaad waxay tahay Harun ay dhashay Suldana balse sir qarsoon tahay shaacana ka qaadmi doonto xalqada 30-aad sababta loogu maleeyayna waxay tahay in looga shakiyay qofka Suldana isbitaalka kasoo fakiyay inuu isaga yahay balse adiga ahaan Harun meeshu kasoo jeedo iyo side kula tahay waad nala wadaagi kartaa laakiin labadaas mid ayee u badantahay xalqada 30-aad ayaa bur iyo biyo loogu kala baxaa ee habeen dambe la daawan doono.

3-Hanifa maxaa kukalifay ine qaadato amarada Harun maxuuse xabsiga dhexdiisa ugu sheegay iyadana xalqada 30-aad waa lagu ogaan doonaa sababtana loo ogaanayana waxay tahay mar hadii Harun cida uu yahay la ogaado waa qasab qorshihiisa oodhana in shaaca ka qaadmi doono markaa isaga iyo Hanifa waxay ku heshiyeen waa la ogaan doonaa.

4-Furat aya ku dhaqaaqi doono talaabo ah inuu hooyadiis Asmaa weydiiyo inee runta usheegto sababto ah Hazar Sodolugu ayaa ka naxsaday Furaat waayo marke kulmeen waxuu Hazar Furaat usheegay inuu hayo faraantigii Dilshaah balse Furaat kuma aaminaayo ayuu dhahay Hazar na wuxuu dhahaa hooyadaa Asmaa wey ogtahay wax walbe iyada soo weydii arinkaa ayuu leeyahay.

Hadaba Furaat wuxuu kudhaqaaqa siduu wax walbo ku ogaan lahaa waana qasab inuu hooyadiis weydiiyo suaasha waxay tahay Asmaa ma usheegi doontaa Furaat wax walbo ilaa heer in Miiraan aabihiis yahay Hazar.?

5-Nasuh Sodologu maxuu qof xun ku noqday ilaa hada isagoo talaabo xumaan ah qaadayo lama arag maxay tahay sababta Macalin Jabril wiilkiisa uu udhahay,”Nasuh waxaa tahay qof xun” xili oday Nasuh uu ku jawaabay “wiilyahow xadkaada hasoo gudbin” hadaba maxay tahay sababta uu Nasuh qof xun ku noqday sirta ku duugan ayadana waxaa la filaa in xalqada 30-aad lagu daawan doono arinkaa.

6-Miiraan ayeeydiisa labaad ama mida cusub waxaa macquul ah inee wax badan usheegto oo uusan ogeyn ileen qabriga Dilshaah markuu Miiraan keenayay iyada waxay goobta kula kulmeen Hazar marka waxaa macquul ah Miiraan in meesha wax badan lagu fahamsiiyo oo dhinacna ayeeydiis oga sheekeysi hooyadiis dhinacna Hazar wax kufahamsiiyo wiilkiisa meesha ileen warqad cadeyn ayuu wataa markaan.

7-Hanifa walaashed Caziiza ayee ka hortimid waayo falalka ay kudhaqaaqeyso waa mid lid ku ah Caziiza waxayna bool bool u fureysaa siraha iyo qorshooyinka Caziiza iyadoo ka amar qaadaneysa Harun hadaba Caziiza arimahan markee ogaato maxay fali doontaa waxay u badantahay xalqada 30-aad in Caziiza ku ogaan doonto inee heshiyeen Hanifa iyo Harun.

Dhamaad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here