Sida guud Diwali-gan bilaawasho wanaagsan uma ahan aflaamta tiyaatarada lasaaray oodhan maadama Diwaliga dib martay ama ku beegmatay maalinta axada sidaa aawged waxaa fiicned hadii maanta oo jimco ah Diwali ahaan laheer Filimada tiyaatarada saaran oodhan daqli badan ayaa laga heli lahaa.

Houseful 4 waa mid kamid ah Filimada sanadkaan ugu weyn iyo mashruuca ugu weyn Diwali-gan la daawado saas eetahayna si dhex dhexaad ah ayuu ku furmay ganacsigiisa maalinta kowaadna waa xadidan yahay.

Subaxii 25% ayuu hindiya kaga furmay galabkii ilaa 35% ayuu tagay caawana Fiidkan waxuu marayaa ilaa 45% waliba tiyaatarada daqliga badan laga helo waa gaabis waxaana ugu wacan dadka inee suuqa galeen oo wax iibsasho iyo Diwali isku diyaarin ku mashquulsan yihiin inee tiyaatar soo aadaan maba ka gaaraan.

Qiyaasta xili hore waxay sheege in H4 maalintiisa kowaad keeni doono 15 Crore waxaana macquul ah in ilaa 2 Crore uu kudarsado caawa sidaasna 17 Crore maalintiisa kowaad ku keeno.

Saaka subaxii hore waxaa la islahaa 20 Crore ugu yaraan wuu keeni doonaa maalintiisa kowaar balse midaad waxay dhici kartaa hadii caawa galinka dambe si waali ah u gadmo midaadna suurto galnimadeeda wey yartahay.

Beri subaxii ayaan ogaan doonnnaa ganacsiga dhabta ah H4 maalintiisa kowaad keenay Insha’Allah……….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here