Ganacsi wacan ayuu sameeyay Akshay Kumar iyo kooxdiisa Filimkooda Houseful 4 maadama uu keenay 10 Crore (Trade Figure) waana ganacsi adag inkastoo ka badan laga filaayey balse sare ukaciisa ayaa xoogaa gaabis ka muuqday.

Gujarat oo fasax Diwali-ga wali kasii jiray xitaa shalay oo sabti aued ganacsi waali ah kama uusan sameeynin waana goobta uu iskoorada ka dhigaayey balse Mumbai iyo hareeraheeda ayuu 60 Crore ka keenay mudo 9 maalmood ah waana wax aan la ilaawi doonin.

Dhanka kale Delhi iyo hareeraheeda waxuu H4 ka keenay mudadaas 30 Crore waana hoos udhac waxaana ugu wacan seddexdii maalmood ugu horeysay oo dadka badankooda usoo daawasho tagin maadama Diwali-ga la isku diyaarinaayey.

Wadarta guud hader waxuu marayaa 155 Crore waana ganacsi adag waxaa la filaa maanta oo axad ah inuu sare ukac sameeyn doono maadama maalin shaqada laga nasanaayo tahay.

Hoos kaga bogo H4 iyo ganacsiga ilaa hada uu gudaha India ka sameeyay:

Todobaadka Kowaad: 137.25 Crore

Jimco Labaad: 8 Crore Sabti Labaad: 10 Crore

Wadarta Guud: 155.25 Crore (Trade Figure)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here