Housefull 4 iyo axadiisa koowaad qiyaas ahaan lacagaha uu keenay filimkaan dhaleeceyn waxba waa ka tari weysay.

0
1086

Shabakada BOI ayaa soo daabacday in Housefull4 uu axadiisa koowaad qiyaas ahaan keenay 12.50 crore ilaa 13 crore waana lacago hooseeyo markii loo fiiriyo in maalin axad la saaro balse maadaama maalin Diwali tahay BOI waxay sheegtay iney tahay lacag heer sare ah.

Housefull4 ayaa magaalada Mumbai hoos u dhac macquul ah ka sameeyay waana halka uu sida fiican uga gadmaayay asigoona hoos u dhacay kaliya 15% ilaa 20% waxaana Mumbai lamid ah koonfurta hase yeeshee waqooyi iyo gobolada dhexe wuxuu ka sameeyay 40% hoos u dhac balse waa arin dabiici ah oo Diwaliga la socoto.

Housefull4 ayaa haatan mudo 3 maalmood ee waliba Pre-Diwali keenay 49 ilaa 50 crore waana lacago adag ayadoona lagu wado inuu laga bilaabo barito uu ganacsi weyn sameyn doono isla markaasna uu maalmaha isniin iyo talaado si adag u gadmi doono.

Filimada Ae Dil Hai Mushkil iyo Shivaay wadajirkooda labo sano kahor Diwali waxay keeneen 58 Crore sadaxda maalin ugu horeyso ayadoona waliba la saaray 5800 oo tiyaatar halka Housefull4 oo saaran kaliya 3900 uu mudo sadax maalmood ku keenay 50 crore waxayna ku tusinee sida filimkaan u gadmay maalmaha Pre-Diwaliga waliba asoo dhaleeceyn joogto ah lagu wado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here