Housefull 4 iyo jimcadiisii sadaxaad lacagaha uu keenay markaan rikoorka Golmaal Again ayaa bartilmaameed u ah.

0
1099

Filimka H4 ayaa hoos u dhacay jimcadiisii sadaxaad maadaama tiyaatarada intooda badan loo baneeyay filimka cusub ee Bala kaasoo shalay tiyaatarada la saaray hadana sidaas oo ay tahay H4 ayaa shalay keenay 2 crore nadiif ah.

Inkastoo uu jimcadiisii sadaxaad uu sameeyay filimkaan hoos u dhac muuqdo hadana wali wuxuu haayaa wadadii uu ku noqon lahaa filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comedyga asigoona doonayo inuu ka lacag badiyo filimka Golmaal Again oo rikoorkaas ku heysto 205 crore.

Housefull 4 ayaa gobolka Gujarat Blockbuster ka noqday asigoona halkaas lacago badan ka keenay wuxuuna shalay sidoo kale gobolkaas ka keenay 40 lakh.

H4 ayaa haatan soo xareeyay mudo 186.61 crore mudo 15 maalmood waxaana lagu wadaa maanta oo sabti ah iyo bari oo axad ah inuu sare u kaco kana faaideysto fasaxyada jira si uu u gaaro rikoorka Golmaal Again.

Hadaba halkaan kaga bogo H4 iyo mudo 15 maalmood lacagaha uu keenay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad; 48.75 crore.

Jimcadiisii sadaxaad; 2 crore.

Wadarta guud; 186.61 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here