Housefull 4 iyo maalintiisa labaad lacagaha uu keenay si adag ayuu isku celiyay.

0
1139

Filimka Housefull4 ayaa shalay gudo galay maalintiisii labaad asigoona maalintiisii koowaad keenay 18.50 crore inkastoo dadka filimada ka faaloodo ay naqdiyeen isla markaasna dhaliileen filimkaan sheekadiisa.

Housefull4 ayaa ku socdo wadadii Saaho oo kale kaasoo bishii hore la daawaday lacago fiicana keenay waliba asoo dhaliil xoogan ku socoto sidaas si lamid ah Housefull ayaa labadiisii maalin ugu horeeyay lacago fiican keenay asigoo ay dhaluil ku socoto.

Housefull 4 ayaa shalay keenay 18 crore asigoona wax hoos u dhac ah sameynin waana lacago fiican maadaama Pre-Diwali lagu jiro oo dadka jaanis aysanba heynin.

Housefull 4 waxa kaliya ee laga rabo ayaa ah maanta oo ah maalinta koowaad ee Diwali uu is celiyo maadaama dadka Hinduuga ah ay Diwaliga ku mashquulsanyihiin balse Housefull wuxuu si fiican u gadmi doonaa maalmaha Isniinta, Talaadad iyo Arbacada oo fasax qaran jiro.

Halkaan hoose kaga bogo Housefull4 mudo 2 maalmood lacagaha uu keenay;

Jimce; 18.50 crore.

Sabti; 18 crore.

Wadarta guud 36.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here