Housefull 4 iyo mudo labo todobaad lacagaha uu keenay.

0
1013

Filimka Housefull 4 ayaa caqabad kasta ka gudbay wuxuuna todobaadkiisii labaad keenay lacag dhan 49 crore asigoona 64% hoos u dhac sameeyay markii lala barbar dhigay isbuuciisa koowaad.

Tani ayaa ah arin caadi ah maadaama isbuuciisa koowaad uu ahaa isbuuc uu jiray fasax qaran filimadana si waali ku gadmaan.

Housefull 4 ayaa shalay keenay lacag dhan 3.50 crore taasoo ka dhigtay in isbuuciisa labaad uu soo xareeyo 48.75 crore waxayna ka dhigantahay in  filimkaan noqday filimka 3aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay isbuuciisa labaad waxaana ka horeeyaan filimada Kabir Singh iyo Uri – The Surgical Strike.

Haatan waxaa hubaal ah in H4 uu noqon doono filimka Akshey Kumar sameeyay filimadiisa kan ugu lacagta badan asigoona dhaafi doono filimka Mission Mangal balse haduu dhaafi doono lacagaha Golmaal Again waxay ku xirantahay qaabka uu isku celiyo isbuuciisa sadaxaad.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka H4 iyo mudo labo todobaad lacagaha uu keenay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad 48.75 crore.

Wadarta guud; 184.61 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here