Housefull 4 iyo talaadadiisa labaad lacagaha uu keenay Filimkaan ma hakanayo.

0
1307

Housefull 4 ayaa talaadadiisa labaad lacag adag shaqeeyay kadib markuu keenay 4.75 crore taasoo lacagaha guud ee filimkaan ka dhigeyso 177 crore nadiif ah wuxuuna H4 sidaan ku noqon doonaa filimka 3aad ee lacagaha ugu badan soo xareeyay isbuuciisa labaad sanadkaan waxaana ka horeeyaan  filimada Kabir Singh iyo Uri – The Surgical Strike.

Haatan waa hubaal in H4 noqon doono filimka lacagaha ugu badan usoo xareeyay Akshey Kumar asigoona darajadaan gaari doono isbuuciisa sadaxaad.

Housefull 4 haatan waa Hit dhameystiran balse waxaa macquul ah inuu darajada Super Hit usii talaabo waase haduu sii wato qaabka uu hada ku socdo.

Hadaba halkaan kaga bogo lacagaha guud uu filimkaan soo xareeyay mudo 12 maalmood;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Jimcadiisa labaad; 8 crore.

Sabtidiisa labaad; 10 crore

Axadiisa labaad; 13 crore.

Isniintiisa labaad; 5.50 crore.

Talaadadiisa labaad; 4.75 crore.

Wadarta isbuuciisa labaad mudo 5 maalmood; 41.25 crore.

Wadarta guud mudo 12 maalmood; 177.11 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here