Labada filim ee shactirada iyo jah wareerka ah fariin ahaan Housefull 4 iyo Total Dhamaal ayaa Tv-yada wacdaro taariikhi ah ka dhigayaan waxay noqdeen All Time Blockbuster waxayna ka faa’iideesanayaan in Hindiya haatan bandow ka jiro sidaa darteed tiradii ugu badneyd ebid filim Hindi ah TV-yada ka daawadaan ayaa labadan filim daawadeen marka meel la iska dhigo labo Bahubali.

Housefull 4 wuxuu qarka u saaran yahay in 70-milyan oo qof dhanka Tv-yada ka daawadaan tiro todobo jeer ah oo dhanka Satellite-ka lagu soo cel celiyay halka Total Dhamaal 80-milyan oo qof inay daawadaan qarka u saaran yahay madaama tiro 11-jeer ah dhanka Tv-yada lagu soo cel celiyay welina dalabaadkooda aad ayuu u sareeyaa labadan filim.

Dhinaca kale filimada War, Darbar (qaybta Af Hindiga lagu daawaday) iyo Pati Patni Aur Woh dhamaantooda Big Hits ayay dhanka Tv-yada ka noqdeen madaama qoysaska siweyn u daawadayaan filimadan waxayna ka dhigan tahay in qoysaska guryaha ku jiraan mada daalada ay u baahan yihiin filimadan ka helayaan.

Balse filimada atirishooyinka hogaamiyaal ka yihiin Chhapaak, Saand Ki Aankh iyo Panga ee Tv-yada lagu soo fasaxay soo dhaweyn wanaagsan ma aysan kala kulmin daawadayaasha madaama aysan laheyn mada daalo dhameestiran.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here