Housefull 4 oo isbuuciisii 6aad gudo galay iyo filimkaan ganacsigiisa halka uu maraayo.

0
931

Filimka Housefull 4 oo uu hogaamiye kayahay jilaaga Akshey Kumar kaasoona gaaray guul weyn asigoona noqday Super Hit ayaa haatan isbuuciisa 6aad ku gudo jiro wuxuuna sadaxdiisii maalmood ee ugu horeysay isbuuca keeni doonaa 25 ilaa 30 lakh.

Filimka Housefull 4 ayaa sameeyay 60% hoos u dhac markii lala barbardhigo isbuuciisa shanaad sadaxdiisa maalmood ugu horeyso asigoona haatan filimkaan ganacsigiisa guud uu maraayo 205.50 crore.

H4 ayaa magaalada Mumbai ka sameeyay ganacisigiisa ugu wanaagsan asigoona halkaas ka keenay 79 crore halka uu Delhi/Up kasoo xareeyay 37.75 crore wuxuu sidoo kale ganacsi weyn ka sameeyay gobolka Gujarat asigoona magaalada Surat ka dhigay rikoorka lacagaha ugu badan midkii kasoo xareeyay abid markii meesha laga saaro filimka Bahubali 2 asigoona halkaas ka keenay 7.25 crore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimka H4 iyo mudo 6 todobaad ganacsiga uu sameeyay;

Todobaadkiisa 1aad; 135.86 crore.

Todobaadkiisa 2aad; 48.07 crore.

Todobaadkiisa 3aad; 16.27 crore.

Todobaadkiisa 4aad; 3.92 crore.

Rodobaadkiisa 5aad; 1.6 crore.

Todobaadkiisa 6aad (3 maalmood); 25 lakh.

Wadarta guud; 205.47 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here