Housefull 4 oo isbuuciisii sadaxaad 200 crore ka talaabay filimkaan qabasho malahan.

0
979

Filimka Housefull 4 oo todobaadkiisii 3aad tiyaatarada saaran ayaa wali ganacsi wacan sameynaayo wuxuuna isbuuciisa sadaxaad keenay 16 crore asigoona noqday filimada Akshey Kumar midka isbuuciisa 3aad lacagaha ugu badan soo xareeyay.

H4 ayaa jabiyay rikoorkii Rowdy Rathore oo horay u ahaa filimada Akshey Kumar midka lacagaha ugu badan usoo xareeyay isbuuciisa sadaxaad sidoo kale H4 ayaa ka lacag badiyay filimka Golmaal Again markii lala barbardhigo isbuuciisa sadaxaad waxayna tani cadeyn u tahay in H4 uu jabin doono rikoorka Golmaal Again isla markaasna noqon doono filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comedyga.

H4 ayaa haatan mudo 3 todobaad ganacsigiisa marayaa 200 crore asigoona noqday filimkii ugu horeeyay ee Akshey Kumar hogaamiye ka yahay kaasoo darajada 200 crore gaaray wuxuuna ganacsigiisa ku ekaan doonaa 205 ilaa 2010 Crore lacago u dhaxeeyo asigoona filimkaan noqon doono Big Hit.

Hadaba halkaan kaga bogo H4 iyo mudo sadax todobaad lacagaha uu keenay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad; 48.07 crore.

Isbuuciisa sadaxaad 16.25 crore.

Wadarta guud; 200.18 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here