Housefull 4 oo qarka u saaran inuu Hit dhameystiran noqdo xili uu maalintiisii 6aad ganacsi adag sameeyay.

1
1675

Filimka Housefull 4 ayaa waqti fiican ku qaadanayo tiyaatarada India asigoona ganacsi weyn halkaas ka sameynaayo isla markaasna qarka u saaran inuu gaaro darajada Hit dhameystiran.

H4 oo isbuucaan tiyaatarada la saaray ayaa shalay oo arbaco aheyd maalintiisii 6aad keenay 15.50 crore asigoona si adag isku celiyay sidoo kalana ka faaideystay fasaxyada gobolada qaar wuxuuna haatan mudo 6 maalmood marayaa 124.50 crore.

H4 waxay u egtahay in isbuuciisa 1aad kuu keeni doono 135 crore nadiif ah wuxuuna sugi doonaa isbuuciisa labaad si loo hubiyo halka uu tiigsanaayo waxaana hubaal ah haduu is celiyo inuu darajada 200 crore ka talaabi karo waxayna wax walba ku xiranyihiin qaabka uu isbuuciisa 2aad isku celiyo.

Halkaan kaga bogo H4 iyo mudo 6 maalmood lacagaha uu keenay.

Jimce 18.50 crore.

Sabti 18 crore.

Axad 14.25 crore.

Isniin 34.25 crore.

Talaado 24 crore.

Arbaco 15.50 crore.

Wadarta guud; 124.50 crore.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here