Housefull 4 oo si adag isku celiyay iyo isniintiisii labaad lacagaha uu keenay.

0
1017

Filimka Housefull 4 ayaa isniintiisii labaad tijaabada ka gudbay isla markaasna ganacis adag sameeyay kadib markuu keenay lacago u dhaxeeyo 5.50 crore ilaa 5.75 crore sida ay soo daabacday shabakada Box Office India.

H4 ayaa isniintiisa labaad sameeyay kaliya 30% hoos u dhac markii lala barbardhigo jimcadiisii labaad oo uu keenay 8 crore inkastoo jimcaha xitaa gobolada qaar fasaxyo kooban ka jireen waxayna tani ku tuseysaa sida uu filimkaan isku celiyay.

H4 ayay haatan u badantahay inuu todobaadkiisa labaad ka talaabi doono 50 crore sdioo kalana waxaa hubanti noqotay inuu filimkaan gaari doono darajada 200 crore isla maraaska uu noqon doono filimada Akshey midka lacagaha ugu badan soo xareeyay.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo H4 iyo mudo 11 maalmood lacagaha uu keenay.

Todobaadkiisa koowaad; 135.86 crore.

Jimcadiisii labaad; 8 crore.

Sabtidiisii labaad; 10 crore.

Axadiisii labaad; 13 crore.

Isniintiisii labaad; 5.50 crore

Afarta maalin ugu horeyso todobaadkiisa labaad; 36.50 crore

Wadarta guud; 172.36 crore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here