Housefull 4 oo subaxaan tiyaatarka la saaray iyo warbixin ku saabsan filimkaan.

0
919

Waxaan subaxnimadii saakay tiyaatarada India la saaray taxanaha weyn ee Housefull 4 waana qeybtiisii 4aad taxanaha hirgalay ee Housefull kaasoo ay hogaamiye ka kala yihiin jilayaasha Akshey Kumar Riteish Dheshmukh iyo Bobby Deol.

Filimka Housefull ayaa la filayaa in uusan bilaabasho waali ah sameyn doonin sabab la xiriirto caqabado badan oo soo wajaheen sida in xiliga iibsashada tikidkiisa hormariska kusoo aaday xiligiila isku diyaarinaayay ciida Diwaliga.

Housefull 4 hadii uu maalintiisa koowaad keeno 20 crore waa bilaabasho guul ah balse caqabada heysato ayaa ah in maalinta fasaxa qaran ee Diwali ay kusoo aaday isla maalinta Axada oo iyadana maalin nasasho ah taasina waxay dhabar jab ku tahay kooxda filimkaan maadaama ay fiicneyd in labada maalin kala gooni looga faa’ideysto.

Warbixinta filimkaan sida tiyaatarada la saaray, sida uu ku furmay, sheekadiisa iwm waxaan kusoo qaadan doonaa wararkeena xiga insha’allaah fadlan Filimside isha ku haay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here