Housefull 4 oo wali ganacsigiisii wanaagsanaa wato iyo arbacadiisii labaad lacagaha uu keenay.

0
1165

Housefull 4 ayaa wali ganacsigiisii wacnaa iska sii wato wuxuuna arbacadiisii labaad keenay lacago 4 crore ah taasoona ganacsigiisa ka dhigo doonto 181 crore mudo 13 maalmood ah.

Housefull4 ayaa lacagaha ugu badan kasoo xareeyay Mumbai iyo Delhi/UP asigoona isku darkooda ka keenay 105 crore.

H4 ayaa isbuuciisa labaad keeni doono lacag dhan 49 crore wuxuuna kusii dhawaanayaa inuu noqdo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyo filimada Commeydiga asigoona si uu rikoorkaas u gaaro kaliya u baahan in isbuuciisa sadaxaad uusan hoos u dhac weyn sameynin.

Hadaba halkaan kaga bogo H4 iyo mudo 13 maalmood lacagaha uu keenay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Jimcadiisa labaad; 8 crore.

Sabtidiisa labaad; 10 crore.

Axadiisa labaad; 13 crore.

Isniintiisa labaad; 5.50 crore

Talaadadiisa labaad; 4.75 crore.

Arbacadiisa labaad; 4 crore.

Wadarta guud; 181.11 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here