Home » Nolosha Jilaayaasha » Housefull 4 Update: Akshay Kumar oo atirisho la’aan dhigi doono Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh

Housefull 4 Update: Akshay Kumar oo atirisho la’aan dhigi doono Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh

Filimka weyn ee taxanaha hirgalay Housefull qaybtiisa afaraad bisha June ee nagu soo fool leh ayaa duubis lagu bilabaayaa weliba waxaa la xaqiijiyay in 2D iyo 3D muuqaal ahaan lagu daawan doono marka tiyaatarada la saaro Diwali 2019.

Waxaan horey idin kula wadaagnay si rasmi ah in Housefull 4 hogaamiyaal ka yihiin Akshay Kumar, Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh halka Sajid Khan uu Director ka yahay sidoo kalena 200 Crore ka badan lagu qarash gareenayo mashruucaan waxaa bixinaayo soo saaraha caanka ah Sajid Nadiadwala.

Waxaa haatan la ogaaday in Akshay Kumar atirisho la’aan dhigaayo labada atoore ee filimkaan kula jiraan Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh!

Si kale ma ahan ee u jeedka wuxuu yahay labada atirisho ee Housefull 4 la xaqiijiyay inay wax ka jilayaan Kriti Sanon iyo Pooja Hedge labaduba waxay jaceyl shaashada kula matalayaan Akshay Kumar.

Sidaa darteed in atirisho kale lagu soo dari doono lama ogo balse haatan waxaa la xaqiijiyay Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh inay atirisho la’aan yihiin labada gabdhood Housefull 4 ku jiraana Akshay Kumar isku darsan doono.

Waxaa la is weydiinayaa atirishooyin kale miyaa Housefull 4 lagu soo dari doonaa mise Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh saaxiibkood Akshay Kumar ayay ku qabsan doonaan labada atirisho eeuu jaceylka shaashada Housefull kula matalaayo?

One Response to Housefull 4 Update: Akshay Kumar oo atirisho la’aan dhigi doono Bobby Deol iyo Ritesh Deshmukh

  1. Cabdi maalik gees cadde

    May 19, 2018 at 2:55 pm

    2D 3D maxa laga wadaa???