
Labada filim Housefull 4 iyo Bigil ganacsi wanaagsan ayay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ka sameenayaan sidoo kalena waa labo filim oo lagu soo beegay daawashadooda xiliga feestada Diwali 2019. Haddaba waxaan idiin heynaa is bar bar dhig ku aadan labadan filim ganacsiga ay sameeyeen labada maalmood ugu horeyso dibad iyo dal, lacagaha nadiifka ah iyo canshuurta ka hor.
Ganacsiga Nadiifka Ah Gudaha Hindiya Ka Sameeyeen 2-maalmood:
Housefull 4 – 36.50 Crore (Hindiya oo dhan ayaa laga daawanayaa)
Bigil – 59.10 Crore (gobolada Tamil, Telugu, Karnataka & Kerala ayaa laga daawanayaa)
Ganacsiga Canshuurta Ka Hor Gudaha Hindiya Ka Sameeyeen 2-maalmood:
Housefull 4 – 45 Crore
Bigil – 69 Crore
Suuqyada Caalamka Labo Maalmood Ganacsiga Ay Ka Sameeyeen:
Housefull 4 – 15 Crore
Bigil – 31.50 Crore
Wadarta Guud Dibad & Dal Lacagaha Ay Soo Xareeyeen 2-maalmood:
Housefull 4- 60 Crore
Bigil – 100.85 Crore
Miisaaniyada Guud oo ay xambaarsan yihiin ama Lacagaha Lagu Qarash Gareeyay:
Housefull 4 – 175 Crore
Bigil – 180 Crore
Lacagaha Kooxda Cajaladaha Qeybiyaan Ku Iibsadeen Labadan Filim:
Housefull – 85 Crore (xuquuqda gudaha Hindiya oo kaliya)
Bigil – 136 Crore (xuquuqda dibad & dal lagu iibsaday)