Housefull 4 waa Super Hit iyo ganacsigiisa halka uu ilaa haatan marayo.

0
1183

Akshey Kumar ayaa la yimid Super Hitkiisii labaad ee sanadkaan kadib markii shabakada BOI shaaca ka qaaday maanta in filimka Housefull 4 uu gaaray darajada Super Hit asigoona haatan ah Hitka afaraad ee ugu weyn sanadkaan waxaana ka horeeyaan filimad War, Kabir Sing iyo Uri – the Surgical Strike.

Housefull 4 ayaa isbuuciisa afaraad ku gudo jiro wuxuuna ilaa iyo haatan soo xareeyay 3.25 crore mudo 5 maalmood ah asigoona wadartiisa guud ay haatan mareyso 203.38 crore.

Housefull 4 ayaa sameeyay hoos u dhac 75% markii lala barbardhigo isbuucisa 3aad kaasoo uu sameeyay 66% hoos u dhac waxaa macquul ah iney ku adkaato inuu gaaro darajada filimka Golmaal Again kaasoo cimri ahaantiisa keenay 205 crore sababta ay ugu adkaan kartana waxay tahay in markii la galo isbuuciisa 5aad uu hatana tiyaataro badan weyn doono isla markaasna haatan laga doonayo inuu 205 crore kor u dhaafo si uu noqdo filimka lacagaha ugu badan soo xareeyay filimada Comedyga.

Halkaan hoose kaga bogo H4 iyo ilaa haatan lacagaha uu soo xareeyay;

Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.

Isbuuciisa labaad; 48.07 crore.

Isbuuciisa sadaxaad; 16.25 crore

Isbuuciisa afaraad mudo 5 maalmood; 3.25 crore.

Wadarta guud; 203.38 crore.

FG. Filimka labaad ee Akshey sanadkaan darajada Super Hit u gaaray waa filimka Mission Mangal kaasoo noqday Super Hit halka filimka Kesari uu Hit u noqday waxaana u dhiman filimka Good Newws kaasoo dhamaadka bisha dambe usoo bixi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here