Filimka Housefull 4 ayaa wali tiyaatarada ka sameynaayo ganacsi wanaagsan asigooona maalintii shalay aheyd u aheyd maalintiisa 19aad ee uu tiyaatarada saaranyahay.
H4 ayaa maalintii shalay aheyd soo xareeyay 2.50 crore wuxuuna sameeyay sare u kac wanaagsan asigoona ka faaideystay fasaxa Guru Nanak Jayanti ee gobolada qaar ka jiray wuxuuna filimkaan haatan wadarta guud marayaa 197+ crore.
H4 ayay u badantahay in isbuuciisa 3aad ka talaabi doono darajada 200 crore asigoona isbuuciisa sadaxaad ilaa iyo haatan soo xareeyay 13.75 crore mudo 5 maalmood.
Hadaba halkaan kaga bogo filimka H4 iyo mudo 19maalmood ganacsiga uu sameeyay;
Isbuuciisa koowaad; 135.86 crore.
Isbuuciisa labaad; 48.07 crore.
Isbuuciisa sadaxaad mudo 5 maalmood; 13.75 crore.
Wadarta guud; 197.68 crore
Maanta Waa Dhalashada
Boqorada Bollywoodka
Cid Kale Ma Ahan Waa
Superstarada Weeyn Ee Juhi Chawla
Taariikhteeda iyo Macluumaadkeeda Oo Dhameystiran Nala Wadaaga Fadlan