Housefull4 iyo maalintiisa koowaad lacagaha uu keenay.

0
1256

Akshey Kumar filimkiisa Housefull4 ayaa shalay tiyaatarada la saaray waxaana lagu waday inuu soo xareeyo lacago u dhaxeeyo 15 ilaa 17 crore maadaama maalin shaqo ay aheyd sidoo kalana dadka hindiga ku mashquulsanyihiin isu diyaarinta Diwaliga.

Hase yeeshee Housefull4 ayaa ganacsi wacan sameeyay isla markaasna lacago fiican keenay asigoona keenay 18.50 crore maalintiisa koowaad asigoona ganacsigiisa ugu badan ka sameeyay magaalada Mumbai wuxuuna halkaas ka keenay 6 crore nadiif ah waana 33% ganacsiga filimka maalintiisa koowaad.

Sidoo kale Housefull4 ayaa Delhi/UP ka keenay 3 crore sidoo kalana East Punjab wuxuu ka keenay 1.40 crore.

Housefull4 ayay aheyd inuu ganacsi fiican ka keeno waqooyiga hase yeeshee diyaargarowga Diwali ayaa saameyn ku yeeshay sidoo kalana xalay fiidkii sare u kac fiican ma uusan sameynin sidaas oo ay tahayna waa filimka 2aad Comedy ah ee ugu bilaabashada wanaagsan abid sidoo kalana taxanaha Housefull afartiisa qeybood waa kan ugu bilaabashada wanaagsan xitaa hadii Diwali kahor la saaray.

Housefull4 ayaa laga rabaa maanta iyo bari inuu is celiyo maadaama maanta tahay maalin kahor feestada Diwali halka barina tahay maalinta Diwaliga oo ay Hinduuga cibaadadooda iwm ku mashquulaan.

Balse laga bilaabo isniin ilaa arbaco waa fasax qaran sidoo kalana waa maalmaha ka dambeeyo ciida Diwaliga waxayna dadweynaha si waali ugu soo xoomaan tiyaatarka hadaba Housefull4 ayaa laga rabaa in maalmahaas uu ka faa’ideysto lacago adagna uu keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here