Housefull4 oo daafaha caalamka lacago fiican kasoo xareeyay iyo filimkaan oo noqday filimka lacagaha ugu badan Akshey Kumar usoo xareeyo.

0
942

Filimka Housefull 4 Hindiya kaliya ganacsi wanaagsan kama sameynin sidoo kalana daafaha caalamka ayuu sidoo kale ganacsi wanaagsan ka sameeyay asigoona filimkaan keenay 6.8 Million Dolar.

Isku darka dal iyo dibad Housefull 4 ayaa ganacsigiisa noqday 295 crore asigoona dhaafay rikoorkii  Mission Mangal kaasoo bilowgii sanadkaan soo xareeyay 278 crore.

Inkastoo uu Housefull 4 uu ku fashilmay in isku darka dal iyo dibad keeno 300 crore hadana 295 crore waa ganacsi wanaagsan asigoona filimkaan noqday Hit weyn.

Waa kuwaan sadaxda filim ee isku dar dal iyo dibad lacagaha ugu badan Akshey Kumar usoo xareeyay;

Housefull 4; 295 crore.

Mission Mangal; 278 crore.

Robot 2.0; 268 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here