Hrithik-Ameesha, Ranbir-Sonam, Tiger-Kriti iyo jilayaasha hal filim lagu soo caan bixiyay. Qeybtii 2aad.

0
723

Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 2aad.

25-Faasle (1985);

Filimka Faasle waxaa iska leh shirkada Yesh Raj Films waxaana la isugu keenay jilayaal waaweyn sida Sunil Dutt, Rekha, Farookh Shaikh waxaana markii ugu horeysay kasoo muuqday kuna soo caan baxay jilayaasha Farha Naaz iyo Rohan Kapoor oo uu dhalay heesaagii weynaa ee Mahendra Kapoor.

Balse nasiib daro filimkaan Disaster ayuu noqday waliba siweyn ayuu Box Officeka ugu fashilmay khasaaro baaxad lehna waa lagala kulmay.

24-Sultanat (1986).

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Karan Kapoor oo uu dhalay rugcadaa Shashi Kapoor waxaana ku wehliso atariishadii laga daba chacay ee Juhi Chawla.

Filimkaan sidoo kale waxaa markii ugu horeysay siwadajir uga soo muuqdeen labada Mega Star ee is dhalay Mega Star Dharmendre iyo Mega Star Sunny Deol waxaana sidoo kale qeyb ka aheyd atariishada Super Starada ah ee Sridevi.

23-Jaan Tera Naam (1992);

Ninka haatan TVyada caanka ka ah ee Ronit Roy wuxuu kusoo caanbaxay filimkaan Romanciga ah waxaana ku wehlisay atariishada Farheen oo haatan uu qabo Manoj Prabhakar.

22-Bekhudi (1992).

Waa filim Love Story ah waxaana kusoo caan baxday mid kamid ah atariishooyinkii ugu waaweynaa Bollywoodka soo mareen waana Kajol Devgan waxaana filimkaan Kajol ku wehliyay Kamal Sadanaha oo uu dhalay filim sameeye Brij Sadanah.

21-Dastak (1996).

Waxaa kusoo caanbaxday quruxleydii aduunka Sushmita Sen waxaana ku wehliyay ninka lagu magacaabo Mukul Dev oo waqtigaas TVyada caan ka ahaa balse Dastak filimkiisii ugu horeeyay ahaa.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here