Hrithik-Ameesha, Ranbir-Sonam, Tiger-Kriti iyo jilayaasha hal filim lagu soo caan bixiyay. Qeybtii 3aad.

0
617

Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 3aad.

20-Himalay Putra (1997);

Waa filimka uu kusoo caan baxay jilaaga Akshay Khanna waxaana filimkaan Akshay Khanna u maal galiyay aabihiisa Vinod Khanna.

Filimkaan Akshay Khanna waxaa sidoo kale ku wehliso atariishada Anjala Zaveri oo ayadana filimkeedii ugu horeeyay uu ahaa.

19-Raja Ki Aayegi Baraat (1997):

Filimkaan waxaa kusoo caanbaxday atariishada Rani Mukerji waxaana ku wehliyo jilaaga asna cusbaa ee Shadaab Khan waxaana dhalay rug cadaagii Bollywoodka ee Amjad Khan.

Filimkaan Rani waxay ku mataleysaa gabar la kufsanaayo aakhirkiina ninkii kufsaday uu guursanaayo balse Rani ku dadaaleysi sidii uu ku jeclaan lahaa ninkaas xun waliba ayadoo noloshiisa dhan wax ka badaleyso.

18-Prem Aggan (1998);

Waa filim Romantic ah waxaana sameeyay Feroz Khan asigoona kusoo caanbixiyay wiilkiisa Fardeen Khan.

Fardeen Khan waxaa filimkaan kula jirto misna lala soo caan bixiyay atariishada Meghna Kothari.

17-Refugee (2000).

Filimkaan waxaa si wadajir ugu soo caan baxay atooraha iyo atariishada Abhishek Bachchan iyo Kareena Kapoor Khan.

Waa labo jilaa misna caan ah maanta Abhishek waa Star waxaana dhalay Mega Star Amitabh Bachchan.

Kareena waa Super Starad waliba maqaamkaas oo ay kaliya uga horeeyeen 4 atariisho dhawaan ayay gaartay.

Filimka Refugee oo ay kusoo caanbaxeen Abhishek iyo Kareena waa sameeyay JP Dutt waana Directedkii sameeyay filimkii All Time Blockbusterka noqday ee Border halka Refugee uu 2000 noqday Average.

16-Kaho Naa… Pyaar Hai (2000):

Yaanba aqoonin filimkaan waa filimkii ay kusoo caan baxeen atooraha iyo atariishada kala ah Hrithik Roshan iyo Ameesha Patel.

Filimkaan ayaa noqday Blockbuster weyn sanadkii 2000 waana filim qiso jaceyl misna Action lagu kabay kaasoo dhalinta waqtigaas siweyn u jeclaayeen sidoo kale heesaha filimkaan ayaa ayagana siweyn u gadmeen.

Hrithik Roshan oo 20 sano kasoo wareegatay markuu filimkaan sameeyay ayaa haatan wali maqaam sare kale Bollywodka wuxuuna kamid yahay jilayaasha ugu waaweyn Bollywoodka waqti xaadirkaan halka Ameesha patel calankeeda waa hore dhacay.

La soco qeybta 4aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here