Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 4aad.

15-Tarzan: The Wonder Car (2004):

Filimkaan waa filimkii ay kusoo caan baxeen atooraha iyo atariishada Ayesha Takia iyo Vatsal Seth waxaana Directed ka ah Abbas-Mustan ayadoona sidoo kale uu filimkaan qeyb ka ahaa Super Star Ajay Devgan.

14-Saawariya (2007);

Waa filimkii lagu soo caan bixiyay Ranbir Kapoor iyo Sonam Kapoor waxaana Directed ka ah Sanjay Leela Bhansali.

Filimkaan ayaa kamid ah filimadii ugu xumaa abid uu sameeyo Sanjay Leela Bhansali asigoona sidoo kale Box Officeka ku burburay.

Balse labada jilaa ee filimkaan kusoo caan baxay heer ayay ka gaareen Bollywoodka gaar ahaan Ranbir Kapoor oo maanta kamid ah 3 jilaa ugu awooda badan Bollywoodka Star Power ahaan.

13-Heropanti (2014);

Tiger Shroff iyo Kriti Sanon ayaa kusoo caan baxeen filimkaan oo Box Office guul ka gaaray.

Tan iyo markaas Tiger ayaa kamid noqday jiilka cusub jilayaasha loogu jecelyahay gaar ahaan taxanihiisa Actionka ee Baaghi.

Sidoo kale atariishada Kriti Sanon ayaa qudheeda dab yar shideynin wuxuuna filimkeediu ugu dambeeyay ahaa Housefull 4 kaasoo Super Hit noqday.

12-Wedding Pullav (2014);

Waxaa lagu soo caanbixiyay atooraha iyo atariishada Anushka Ranjan iyo Diganth Manchale.

11-Hero (2015);

Waxaa lagu soo caanbixiyay rug cadayaasha Bollywoodka Aditya Pancholi iyo Suniel Shetty ilmahooda Sooraj Pancholi iyo Athiya Shetty waxaana jilayaashaan soo caan bixiyay Mega Star Salman Khan.

Filimkaan waa filim dib loo sameeyay asigoo aslakiisa ay horay u sameeyeen Jackie Shroff iyo Meenakshi Sheshadri waxaana Directed ka ahaa Subhash Ghai.

La soco qeybta 5aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here