Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 5aad.

10-Mirzya (2016);

Filimkaa waxaa lagu soo caan bixiyay Harshvardhan Kapoor oo uu dhalay jilaaga rug cadaaga Anil Kapoor iyo Saiyami Kher waana filim Romantic Drama ah balse Box Officeka ku fashilmay.

9-Sanam Teri Kasam (2016);

Waa filim kale oo Romantic Drama ah waxaana lagu soo caanbixiyay Harshvardhan Rane iyo atariishada Pakistaniga ah ee Mawra Hocane waxaana filimkaan Directed ka ah Radhika Rao-Vinay Sapru.

8-Qaidi Band (2017):

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Aadar Jain oo la dhashay Armaan Jain waxaana ku wehliso atariishada Anya Singh oo iyadana majaalka ku cusbeed waxaana filimkaan Directed ka ahaa Habib Faisal.

7-LoveYatri (2018):

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Salman Khan seedigiis wiilka la dhashay ee Aayush Sharma iyo gabadha Modelka ee Warina Hussain.

6-Laila Majnu (2018):

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay jilaaga Tripti Dimri iyo atariishada Avinash Tiwary waxaana Directed ka ah Sajid Ali asigoona sheekadiisa tahay Love story.

La soco qeybta 6aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here