Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 6aad.

5-Notebook (2019);

Waxaa lagu soo caan bixiyay Zaheer Iqbal iyo Pranutan Bahl waxaana gacan ka geystay soo caan bixintooda Mega Star Salman Khan.

4-Malaal (2019);

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Meezaan kaasoo uu dhalay Javed Jaaveri iyo atariishada uu abtiga u yahay rug cadaaga Sanjay Lel Bhansali ee Sharmin Segal.

Filimkaan waxaa Directed ka ah Mangesh Hadawale waxayna sheekadiisa ku socotaa wiil reer Maharashtra ah oo jeclaanayo gabar reer North India ah.

3-Pal Pal Dil Ke Paas (2019);

Waxaa lagu soo caanbixiyay Sunny Deol wiilkiisa Karan Deol iyi atariishada Sahher Bamba waxaana filimkaan maal galiyay sidoo kalana Directed ka noqday isla Sunny Deol balse Box Officeka wuu ku fashilmay.

2-Sab Kushal Mangal (2020):

Filimkaan waxaa lagu soo caan bixiyay Priyaank K Sharma iyo Riva Kishan waxaana sidoo kale filimka qeyb ka ah jilaaga Akshay Khanna balse filimkaan Box Officeka wuu ku burburay.

1-Shikara (2020);

Waxaa tiyaatarka la saaray maanta oo jimce ah waxaana lagu soo caanbixinayaa Aadil Khan iyo Sadia asigoona filimkaan uu Directed ka yahay Vidhu Vinod Chopra.

Dhamaan jilayaasha aan kasoo hadalnay intooda ugu badan waliba 90% waxaa dhaleen shakhsiyaad caan ah ha ahaadaan jilayaal waaweyn ama filim sameeyayaal caan ah hadii aysan dhalina adeer abti iwm ayay u ahaayeen taasoo muujineyso sida Bollywoodka garab uun wax la isugu siiyo.

Iyadoi uu garabkaas jiro hadana waa dhif jilayaasha Bollywoodka ee inta garab ku yimaado meesha magaca taariikhi ah ka tago.

Dhamaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here