Kadib markii uu maanta soo baxay filimka Shikar misna lagu soo caanbixiyay jilayaasha Aadil Khan iyo Sadia waxaan dib u milicsan doonaa jilayaasha kale ee halka filim lagu soo caan bixiyay kuwaasoo Bollywoodka katirsan.

Maqaalka wuu dheeryahay waxaana kusoo qaadan doonaa 30 atoore iyo 30 atariisho kuwaas ayagoo lamaane ah min hal filim lagu soo caan bixiyay hadaba halkaan kaga bogo qeybtii 1aad.

30-Love in Simla (1960).

Waa filim Musical Romantic ahaa waxaana lagu soo caan bixiyay Joy Mukherjee iyo Sadhana kuwaasoo gadaal dambe ka noqdeen jilayaasha ugu caansan Bollywoodka.

29-Geet Gaya Patharon Ne (1964):

Waxaa filimkaam sameeyay halyeygii Bollywoodma Directed V. Shantaram, asigoona filimkaan u sameeyay kuna soo caan bixiyay gabadhiisa Rajshree iyo jilaaga halyeyga noqday ee Jeetendra.

28-Sawan Bhadon (1970);

Filimka Sawan Bhadon waxaa markii ugu horeysay kusoo caanbaxday atariishada Rekh waxaana qeyb kala ahaa jilaaga Navin Nischol oo asigana filimkiisii ugu horeeyay u ahaa.

27-Painter Babu (1983);

Filimkaan waa filim aan xog badan laga heynin waxaana lagu soo caanbixiyay jilayaasha Meenakshi Sheshadri iyo Rajiv Goswami oo ah walaalka halyeyga Bollywoodka ee Manoj Kumar.

26-Jawaani (1984);

Waa filim kale oo la iska iloobay xog badana laga heynin balse waxaa lagu soo caan bixiyay jilayaasha Neelam Kothari iyo Karan Shah oo ay habaryar u aheyd Tina Munim.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here