Shabakado kala duwan ayaan kasoo aruurinay aragtiyo iyo codad ay ka aruuriyeen dadka Bollywood-ka ku xiran kuwa gudaha Hindiya ku nool iyo kuwa daafaha caalamka joogaan.

Hadaba aragtiyadaan waxan kasoo dhex bixinay jilaayaasha sida loo jeclaan lahaa inay hal filim oo Hindi ah kasoo wada muuqdaan.

Fadlan hoos kaga bogo suurta galnimada ay jilaayaashaan iskula shaqeyn karaan oo qaab boqoleey ah lagu saleeyay:

1) Three Khans: suurta galnimada SRK, Salman and Aamir Khan hal filim iskula sameyn karaan waa mid 0% ah ama aanba dhici doonin!!

2) Salman Khan and Deepika Padukone: waxaa ugu dhaweyd wada shaqeyntoodii filimkii Sultan oo ay Deepika iska diiday fursada ay isku shaqeyn karaan mustaqbalka 40%.

3) Ranveer Singh and Kangana Ranaut: horey hal mashruuc looguma soo bandhigin balse waa labo istixgaliyaan laakiin Ranveer Kangana lama shaqeyn karo hadii uu sidaas sameeyo Deepika ayaa ka carooneyso, sidaa darteed fursad ay isku shaqeyn karaan waa 10%.

4) Ranbir Kapoor and Shraddha Kapoor: waa labo siweyn isugu soo bixi lahaayeen weliba Shraddha xushmad weyn ayay u heysaa Ranbir sidaa darteed fursad ay isku shala shaqeyn karaan waa 80% hadii hal mashruuc loo soo bandhigo.

5) Akshay Kumar and Aamir Khan: in ka badan 26-sano labadan Super Star fanka Hindiya awood balaaran ayay ku lahaayeen sidoo kalena xushmad weyn ayay isku hayaan.

Kaliya waxaa loo baahan yahay sheeko dheeli tiran in la helo iyo filim soo saare awood badan oo isku keeni karo labadaan, fursad ay isku shaqeyn karaan waa 30%.

6) Hrithik Roshan and Deepika Padukone: waa labada loogu hadal heynta badan yahay inay mar un filim sameeyaan xitaa kuwa arimaha ganacsiga Bollywood-ka ka faaloodaan ayay soo jeediyaan in hal filim loo wada dhiibo.

Sidaa darteed waa macquul in Deepika atirisho kowaad looga dhigo Krrish 4 ama mashruuc kale ay Hrithik Roshan la sameyso mustaqbalka dhow waayo labadooda hadii ay isku tagaan Blockbuster ka yar haka filan, fursad ay iskula shaqeyn karaan waa 80%.

Hadaba Aqriste Jilaayaasha Sare Ku Xusan Yaa Adiga Siweyn Xiiso Ugu Qabi Laheyd Inay Hal Mashruuc Kasoo Wada Muuqdaan…………….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here