Jilaaga caanka ah Hrithik Roshan ayaa si rasmi ah u shaaciyay in indhihiisa sadaqo yihiin oo loo galin doono qofkii indho la’aan ah oo indhaha loo fiiqaayo balse waa marka uu geeriyoodo waliba kahor inta aan la gubin ayaa laga bixina indhaha.

Jilaagan ayaa go’aankan gaaray kadib markuu sameeyay Filimka Kaabil ee la daawaday 2 sano kahor (2017) balse ganacsi ahaan guul dareestay saas ee tahay qaab jiliinka cajiibka HR waa lagu ammaanay iyo sida uu camoole shaashada ugu jilay.

Xidigaan ayaa sheegay misane k dar daarmay haduu geeriyoodo in indhihiisa qof loogi sadaqeeyo si loogu geliyo waayo ayuu yiri kor iyo hoos waa la i gubayaa marka xubnahaas intee guban lahaayen waan sadaqeysanayaa ayuu yiri Super Hero waxaa macquul ah xubno kale inuu sadaqeesto.

Sidaan wada ognahay qofka hinduga ah markuu geeriyoodo lama duugo ama lama aaso ee waa la gubaa meydkiisa ayagoo aaminsan in maalinta qiyaamo aan la cadaabi doonin maadama aduunka lagu cadaabay waana fikir ay aaminsanyihiin.

Dhanka shaqada HR waxuu sanadkaan la yimid labo Filim kala ah Super 30 iyo WAR kuwaaso Big Hits noqdeen waana soo laabasho weyn oo uu xidigaan sameeyay kadib mudo 5 sano ilaa 6 sano ah oo uusan sameynin Filim Hit ah.

Super 30 Hit ayuu noqday halka WAR Blockbuster noqday waxuuna duubis ku bilaawi doonaa Krrish 4 oo sanadka dambe la sugaayo kana filo Blockbuster kale inuu la yimaado dhamaadka 2020…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here