Superstar Hrithik Roshan waxuu dhexda kaga jiraa guusha Filimkiisa WAR sido kalena awoodiisa Bollywoodka ayuu dib usoo ceshtay xidigaan aad ayaana hada loo hadal haya Filimsameyaal badan ayaana soo dalbanayaan ileen odayga kaliya soo laabasho weyn ayuu ubaahnaa!!

Kadib guushiisa Super 30 iyo WAR waxuu xidigaan aqbalay inuu bandhig faneed sameeyo bisha xigta ee November waxuuna bandhigan Live-ka ah la qaban doona gabdhaha soo jiidashada leh Sunny Leone iyo Nargis Fakhri kuwaaso riyo weyn u rumoweyso maadama HR ay la shaqeyn doonaan.

Waxaa la sheegay in Netherland bandhig weyn ku qaban doonaan xidigahan daawashada tikitkiisana xili hore ayaaba la goosan doonaa 17 Nov ayaana la qabanaa waliba waxaa qeyb ka ah heesaayaasha ugi caansan Bollywoodka iyo macalimiinta Dance-ga looga haray.

Kadib bandhigaan waxaa jiri doono kulan weyn oo xidigaha Bollywoodka ugu waaweyn dhexmari doono wareysi xiiso lehna goobtaas lagu bixin doono Hrithik iyo labadan atiriisho qeyb ayee ka yihiin.

Dhanka kale waxaa xidigaan tiyaatarada u saaran Filimka WAR oo Tiger Shroff iyo Vaani Kapoor la jileen Big Blockbuster inuu noqdo ayaana la filaa maadama si heer sare ah u gadmaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here