20-sano ka hor Superstar Hrithik Roshan ayaa Bollywood-ka kusoo biiray wuxuuna ku qabsaday filimkiisii Blckbuster-ka weyn noqday Kaho Naa…Pyaar Hai  oo aabihiis Rakesh Roshan Director ka ahaa halka adeerkiisa Rajesh Roshan isagana muusigadii hirgashay u sameeyay haatana qoyska reer Roshan qof kale oo ka tirsan ayaa sida ugu dhaqsiyaha badan Bollywood-ka kusoo galaayo.

Qof kale ma ahan gabadha Hrithik Roshan la imo adeerada ah Pashmina Roshan oo todobaadka dambe 24-sano jirsan doonto waxaana la ogaaday in sanadka dambe Bollywood-ka kusoo biiri doonto waxaana aabo u ah Hrithik adeerkiis Rajesh Roshan muusigiistaha caanka ah waxayna noqon doontaa jiilka sedexaad ee reer Roshan oo Bollywood-ka kusoo biiro.

Pashmina Roshan waa gabbar diyaarsan oo dhanka filim jilista kasoo baratay Barry John iskuulkiisa jiliinka lagu barto wuxuuna Hrithik ka dhawaajiyay in walaashiis dhan walbo ka diyaarsan tahay diyaarna u tahay loolanka adag ee Bollywood-ka yaalo inay dhinac ka noqoto wuxuuna Hrithik gabadhan ku tilmaamay midda ugu qurux badan qoyska reer Roshan.

Hrithik Roshan aabihiis Rakesh Roshan oo arinkan xaqiijinaayo wuxuu yiri “Hubanti ahaan Pashmina sanadka dambe ayay Bollywood-ka kusoo biireysaa labo shirkad oo waa weyn ayaa la saxiixdeen madaama aniga caafimaadkeyga taam ahayn masuuliyada dad lagu kalsoon yahay ayaan u dhiibay ee haddii aan 100% caafimaad qabo aniga ayaa soo caan bixin lahaa Pashmina Roshan.”

Waxaana xusid mudan in Hrithik aabihiis Rakesh Roshan xanuunka kansar-ka asiibay oo dhawaanahanba laga daaweenayay sidoo kalena sababay in shaqada filimka Krrish 4 dib u dhac ku imaado inkastoo haatan Rakesh Roshan si wanaagsan usoo kabanaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here