Superstar Hrithik Roshan iyo filimkiisii Classic ahaa Koi Mil Gaya waxaa marwalbo lagu xasuusan doonaa doorkii uu ku lahaa Jaaduu iyo aragtidii ay la imaadeen Hrithik iyo aabiiis Rakesh Roshan maantana Hrithik hooyadiis ayaa jeclaan laheyd in Jaaduu dunida caawiyo.

Hrithik Roshan hooyadiis oo lagu magacaabo Pinky Roshan ayaa dadka mada daadlisay sidoo kalena tiri “Jaaduuga nagu qaaliga ah dhamaanteena waan ku tabnay. Waan kuu baahanahay fadlan dib usoo laabo oo dunida dhibkan adag ay ku jirto ka saar.”

Jaaduu wuxuu ahaa mucjiso Rohit (Hrithik Roshan) caawiyay filimkii Koi Mil Gaya sidoo kalena doorkiisii laga wada helay sidaa darteed hooyo Pinky Roshan waxay u yeeratay Jaaduu si uu dadka kaga saaro dhibka ay haatan ku jiraan madaama dunida dhibaato xoogan ku haayo cudurka halista badan Coronavirus oo weli Hindiya ka guuleesanin ayadoo bandow adag lagu jiro.

Hrithik Roshan marki uu arkay qoraalkii ay baraha bulshada hooyadiis Pinky Roshan soo dhigtay uguna wacaneesay Jaaduu qosolka ayuu isku celin waayay wuxuuna kusoo jawaab celiyay “hahahahaha” wuuna awoodi waayay qoraal kale inuu soo raacsiiyo madaama uu qosol la fuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here