Waxaa la sheegay in Superstar Hrithik Roshan iyo Director Om Raut oo sameeyay filimkii Tanhaji kaasi oo Blockbuster noqday bilawgii sanadkan wada shaqeyn doonaan waxayna ku midoobayaan mashruuc xiiso badan oo shaqadiisa bilaaban doonto marka ay xaalada Hindiya caadi kusoo laabato.

Hrithik Roshan sanadkii hore Hindiya wuxuu ku qabsaday filimka Super 30 iyo War haatana wuxuu rabaa Director Om Raut mashruuca uu soo bandhigay inuu dhawaan ka howl galo sidoo kalena la daawado horaanta sanadka dambe si Superstar-kan taageerayaashiisa u daahsanin madaama filimkale uusan haatan u diyaarsaneyn.

Director Om Raut iyo Hrithik Roshan waa saaxiibo dhow waxayna ku heshiiyeen in filimkan cusub mudo labo bilood iyo ku duubaan ama sedex kadibna qorshaha wuxuu yahay Hrithik dabyaaqada sanadkan inuu ka howl galo filimka Krrish 4 ee aabihiis Rakesh Roshan Director ka yahay waayo Rakesh Roshan bisha September ka soke shaqada kuma soo laaban doono waxayna ka dhigan tahay in Hrithik waqtigiisa kaga faa’iideesan doono filimkan cusub inuu sameeyo marka xaalada caadi kusoo laabato bilaha June ama July.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here