Filim sameeyaha laga dambeeyo Sanjay Leela Bhansali wuxuu dhawaan shaaca ka qaaday filimkiisa xiga ee uu Director ka noqon doono lagu magacaabo Baiju Bawra waana sheeko dhab ah oo dhacday 50-maadkii sidoo kalena ku saabsaneyd nin muusigada garaaco oo aar gudanaayo waxaana la sheegay in mashruucan haatan Hrithik Roshan aqbalay inu hogaamiye ka noqdo.

Waxay ka dhigan tahay in Bhansali iyo Hrithik mudo 9-sano kadib dib u wada shaqeyn doonaan sida ay baahisay shabakada Bollywood Hungama madaama labadan isugu dambeesay sanadii 2010 markii ay sameeyeen filimkii Guzaarish ee fariintiisa aadka loo amaanay balse ganacsi ahaan guul dareestay.

Director Bhansali wuxuu rabay in Ranveer Singh uu hogaamiye kaga dhigo filimka weyn Baiju Bawra laakiin Ranveer wuu ka cudur daartay madaama uu dhawaan waqti 18-bilood ku dhow galin doono duubista filimka weyn Takht ee Karn Johar Director ka yahay sidaa darteed Bhansali si dhaqsi ah fariintiisa diyaarsan Hrithik ayuu la wadaagay wuuna ka helay asigoo aqbalay hogaaminta mashruucan weyn.

Hrithik Roshan sanadka dambe bartamihiisa ayuu bilaabi doonaa duubista filimka Baiju Bawra oo la daawan doono Diwali 2021 madaama Superstar-kan uu doonayo marka kowaad inuu iska dhameestiro duubista labada filim ee u qorsheesan Satte Pe Satta Remake iyo Krrish 4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here