Atoorayaasha Bollywood-ka inta badan waxaa lagu dadaalaa bad baadadooda marka ay shaqada filim jilista ku guda jiraan balse wey dhacdaa marar ka qaar inay nafsadooda halis gasho.

Hadana Superstar Hrithik Roshan ayaa hada ka hor dhacday in nafsadiisa halis gashay sidoo kalena uu biyaha ku quusay asigoo gurmad deg deg ah u baahday.

Hrithik Roshan dhacdadaan xanuunka badan waxay qabsatay xili uu filim jilista ku cusbaa kuna guda jiray duubista filimkiisii kowaad Kaho Naa… Pyaar Hai.

Waxaa wada xasuusanaa Hrithik inuu Kaho Naa… Pyaar Hai ku matalay labo door Rohit Mehra iyo Raj Chopra sidaa darteed Hrithik asigoo matalaayo doorka Rohit ayay dhibaatadan ku dhacday.

Sida sheekada loo dhigay doorka Rohit waa mid geeriyoonayo halka saac ee hore kadib marka mootadiisa buundada laga soo tuuro wuxuuna ku dhacaa wabi.

Rohit wuxuu matalaa inuusan dabaasha aqoonin aqoonin kadibna wuu quusayaa si uu u geeiyoodo waa habka sheekada filimka loo dhigay.

Hrithik Roshan oo mar la hadlaayay Karan Thapar barnaamijkiisa Face to Face wuxuu yiri “Waxaan ku quusay oo aan gudaha u galay biyo joogooda hoose yihiin 45-feet sida muuqaalka filimka la rabay uu ahaa”

“Balse halis weyn ayaan galay waayo si run ah ayaan u quusi rabay madaama biyaha ay aad u qaboobaayeen sidoo kalena la iiga rabay inaan wax yar xudunta hoose biyaha jiifo si kaamirada la iiga duubo anigoo matalaayo qof geeriyooday”

“Run ahaantii geeridii mataalada ahayd run ayay ii qabsan rabtay waxaana biyaha hoose kasoo baxay anigoo miir daboolmi rabay una baahnaa hawo deg deg ah inaan helo!”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here