Kadib markuu aduun weynaha saameeyay Viruska Corona Hrithik Roshan iyo Sussanne Khan ayaa go’aansaday iney hal guri kuwada noolaadaan mudadaas si ilmahooda u ilaashadaan maadaama ay caruur isku dhaleen.
Balse Hrithik Roshan ayaa sheegay in xaaskiisa hore ay iska indho tireyso howlo kalana isku mashquulineyso mudada ay guriga joogaan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Instagramka ayuu ku sheegay in xaaskiisa hore ay howlo kale isku mashquulineyso waxaana arinkaan loo fahmay in Hrithik doonayo inuu Sussanne kaga faa’ideysto mudada ay guriga wada joogaan inuu xaliyo khilaafkooda doonayana in xaaskiisii hore dib ugu soo laabato.