Reer Roshan waxaa soo martay maalin xanuun badan oo aysan waligood hilmaami doonin waa 21 Janaayo 2001 maalintii la toogtay filim sameeye Rakesh Roshan balse xabadihii ku dhacay uusan u geeriyoonin!

Rakesh Roshan labo xabadood ayaa looga dhuftay xabadka iyo gacanta waxaana ka dambeeyeen gaangester Abu Salem kooxdiisa toogashadan.

Kadib guushii taariikhiga ahayd ee filimka Kaho Naa… Pyaar Hai’ gaaray gaangester Abu Salem ayaa weydiistay baad ah in faa’iidada filimkaan laga helay la siiyo.

Balse dalabkii xoogaa ahaa Rakesh Roshan wuu ku gacan seeray waxaana dhacday in Abu Salem labo burcad ah oo kooxdiisa ka mid ah si ay Rakesh Roshan u toogtaan.

Labadii burcadka ahaa meel cidlo ah ayay Rakesh Roshan ku heleen waxayna ku dhufteen labo xabadood ayagoo geeri kaga tageen laakiin goobta markii laga qaaday oo isbitaal la geeyay ayaa la ogaaday inuu nool yahay xaaladiisana si deg deg ah wax looga qabtay.

Dadkii ka dambeeyay falkaan naxdinta iyo xaasidnimada lahaa gacanta ayaa lagu soo dhigay sidoo kalena  Bollywood-ka oo dhan ayaa ka naxeen falkaan cabsi weyna Mumbai wey ka dilaacday.

Hrithik Roshan ayaa xanuunka si gaar ah u taabtay wuxuuna xiligaas yiri “Masii wadi doono filim jilista madaama nolosha qoyskeena halis ku jirto mana jirto wax ka xanuun badan aabahaaga in la toogto!”

Laakiin aabo Rakesh Roshan markii uu soo kabtay wiilkiisa ayuu la hadlay wuxuuna u sheegay inuu shaqadiisa hadii kale kuwa caddowga iyaga ku ah ku farxi doonaan go’aankiisa.

Rakesh Roshan wuu soo kabtay kadibna isaga iyo wiilkiisa wax hoos u dhac ah ma aysan la kulmin ayagoo sameeyeen aflaan hirgaleen sida Koi Mil Gaya (2003), Krrish (2006) iyo Krrish 3 (2013) kuwaas oo Big Hits noqdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here