Bollywood Superhero Hrithik Roshan ayaa hader kabaha loo gashan rabaa isagana markiisa shacabka hindiga ah inaba caadi ma ahan reer Bollywood oodhan ayee la dagaalsan yihiin marka laga reebo dadyar faro kutiris ah xidigaha waaweyn ayaa hader foodo iyo qas lagu bilaawi rabaa duleel yar ayaana loo raadinayaa Superstar Hrithik Roshan ayaa lagu dhagan yahay maanta.

HR waxaa lagu heystaa faallo (Comment) uu ka dhiibtay dhiggaal (Post) uu so dhigay Filimsameye Karan Johar maalintii Sushant geeriyoonaayey hadaba falladaas ayaa dad hader doonaya inee muran horleh ka abuuraan waxayna leeyihiin HR waxuu kamid yahau dadka Sushant necbanaa waana labo wajiile.

Dhiggaalka Karan waxuu ahaa mid tacsi ah oo uu Sushant geeridiisa kaga hadlaayey xili isagana uu dhinacniska eedeynaayey waxaana qoraalkiisa la jiray sawir isaga iyo Sushant oo wada qoslayaan hadaba shaqsiyaad caan ah ayaa ka hadleen qoraalkii Karan ee Twitter-ka soo dhigay.

Dadkaas HR ayaa kamid ahaa waxuuna yiri isagoo Comment yar ka dhiibtay”waan ka helay…Karan” hadalkaas ayaa dad badan si kalo geddisan u fasireen reer Twitter-ley seddex qeyb ayee noqdeen qolo dhaheen Hrithik hadalkiisa wanaag ayuu ka waday, qolo dhaheen mayee xumaan ayuu ka waday iyo naceeb Sushant uu uqabo halka kuwa seddexaad ay dhaheen waxaan jawaab ka sugnaa waa HR iyo waxuu ula jeeday hadalkiisa.

Ma waxuu ka waday sawirka waan ka helay, mise hadalka Karan waan ka helay ayuu ka waday mise waxuu ka waday Sushant sidaa ugashay una silcisay waan ka helay seddexdaas arinba baraha bulshada dadba u fasirteen hadaba HR taageerayaashiisa qaaska ah waxay dalbanayaan inuu hadalkiisa kala cadeyo hadii kale hadhow waxaa loo fahmaa inuu ku faraxsanyahay is dilka Sushant.

FG: Hrithik wuu ka tacsiyooday qoraal gooni ah ayuuna soo saaray uu kaga murugoonaayo geerida Sushant Singh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here