Waxaan horey idin kula wadaagnay filimka Tamil-ka ee Blockbuster-ka weyn noqday Kaithi asigoo Hindi ah dib loo sameenayo sidoo kalena shirkada Relience Entertainment xuquuqdiisa dib u sameynta iibsatay haatana waxaa la sheegay in Superstar Hrithik Roshan aqbalay hogaaminta mashruucan xiisaha badan.

Hrithik Roshan ayaa la sheegay inuu daawaday filimka Kaithi wuxuuna aad kaga helay qaabka fariinta loo dhigay iyo sidoo kale doorka hogaaminta Karthi sida u filimkan kaga baxsaday sidaa darteed shirkada Relience wuxuu ka dalbaday mashruucan in sidiisa dib loogu sameeyo oo aan sheekadiisa wax laga badalin sidoo kalena doorka hogaaminta uu isaga qaato.

Wararka waxay intaas ku darayaan in sheekada filimka Kaithi haatan dib loo qoraayo madaama fariinta laga dhigaayo mid Hindiya oo idil laga daawan karo halka markii hore Tamil Nadu oo kaliya loogu tala galay waxayna u badan tahay sanadkan lixdiisa bilood dambe inuu Hrithik Roshan filimkan xiisaha badan ka hawl gali doono.

Hrithik Roshan wuxuu rabaa sanadka dambe labo filim inuu la imaado madaama sanadkan 2020 u badan tahay wax filim ah inuusan usoo bixi doonin wuxuuna rabaa Krrish 4 iyo Kaithi dib u sameyntiisa shaashada ku qabsado sanadka dambe.

Shabakada Hindustan Times waxay qortay in marka qoraalka sheekada Kaithi dib u sameyntiisa soo idlaato mar labaad Hrithik Roshan kulan la qaadan doono soo saarayaasha mashruucan kadibna wax walbo markaas si rasmi ah loogu dhawaaqi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here