Bollywood Superhero Hrithik Roshan soo laabasho aan caadi aheyn ayuu sameeyay sanadkaan kadib markuu la yimid labo filim Big Hits u noqdeen kuwaaso kala ah Super 30 iyo WAR.

Jilaagan kahor inta uusan duubis ku bilaawin filimkiisa WAR diyaar garow aan caadi aheyn ayuu soo galay si uu shaashada horteeda kaga rumeyo doorkiisa Kabir ee filimka waxuuna si weyn u dhistay jirkiisa maadama isku dhec dhac yar ka muuqday markii hore.

Hrithik calool ayaa laga dareemayay duubista WAR kahor midaasna isagaa shaaciyay oo khamiistii baraha bulshada soo dhigay sawirka sare idiin kaga muuqda xili uu isku bar bar dhigaayey before WAR iyo after WAR.

Sida aad u jeedaan sawirka dhanka midig kaa xiga Hrithik jirkiisa ma dhisno calool ayaa ka muuqata waxaana ugu wacan jimicsigii uu joojiyay noloshiisa gaarka ahna uu ku mashquulay balse WAR markuu howshiisa bilaawaayey sawirka midig isbedel weyn ayaa ka muuqdo.

Waxaan markaan aragnaa Hrithik oo si weyn isku dhisay jir ahaana diyaarsan cajis iyo culeys walbana iska qaaday hada kadib shaqo ayuu diyaar u yahau xidigaan maadama Krrish 4 howshiisa bilaawaneyso goordhow.

Dhankale WAR Blockbuster inuu noqdo ayuu ku dhowyahay marba hadii ganacsigiisa 230 Crore kusii dhowaaday maanta oo sabti ah iyo beri oo axad ahna si wacan ayuu kaga faaideysan doonaa fasaxa todobaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here