Bollywood Superstar Hrithik Roshan ayaa si joogto ah kaalintiisa u qaadanayo waqtigan adag ee Hindiya ku jirto wuxuuna marar kala duwan caawiyay dad shacab ah oo deeq u baahnaayeen, wuxuu bixiyay agabka baaritaanka xanuunka Coronavirus lagu sameeyo iyo qalabyo kala duwan sidoo kale xitaa sawir qaadayaasha Bollywood-ka ka howl galaan reerahooda ayuu lacago kaalmo ah siiyay si ay xaaladan adag kaga gudbaan.

Haatana Hrithik Roshan ciwaano kale oo wanaag ku dheehan ayuu sameenayaa madaama shaaca laga qaaday in agabka iyo daawooyinka gacmaha lagu nadiifiyo uu booliska Mumbai gaarsiiyay madaama ay shaqo adag ku jiraan una nugul yihiin marwalbo in xanuunka Covid – 19 ku dhaco.

Booliska Mumbai waxay bartooda Twitter-ka kusoo qoreen “Waad ku mahad santahay Hrithik Roshan inaad nasoo gaarsiisay daawooyinka iyo agabka gacmaha lagu nadiifiyo oo aad ugu tala gashay booliska Mumbai ee howlaha adag xiligan hayaan. Waan ku faani karnaa kaalmada aad nasoo gaarsiiyay madaama aad qaadatay go’aan ah inaan caawisid caafimaadka kuwa u taagan inay caafimaadkeena ilaaliyaan waqti walbo.”

Hrithik Roshan isagana wuxuu yiri “Waxay ii tahay sharaf inaan booliskeena caawiyo, waayo bad baadadeena gacantooda ayay ku jirtaa. Gurigiina joogoa sidoo kalena nabad galyo ku jooga. Waxaan jaceyl iyo xushmad u hayaa kuwa har iyo habeen u taagan inay amnigeena iyo caafimeedka ka war qabaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here